Warbixin xasaasiya:Maraykanka oo qirtay inuu Soomaali laayey

0
20

Hargyasa (Saxilnews.com)-Maraykanka oo qirtay inuu Soomaali laayey

Tababarayaasha Africom ee la shaqeeya Ciidamada Qaranka ee SoomaaliyaTababarayaasha Africom ee la shaqeeya Ciidamada Qaranka ee Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka ayaa qirtay in dad rayad ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo dhinaca cirka oo ay bishii April ka fuliyeen Soomaaliya.

Warbixin uu taliska Maraykanka ee Afrika (Africom) Isniintii uu soo saaray wuxuu ku sheegay duqeyntaasi iney ku dhinteen 2 qof oo rayad ah 3 kalana ay ku dhaawacmeen.

Warbixintu waxay intaasi ku dartay isla weerarkaasi in lagu dilay 2 ka tirsan ururka al-shabaab.

Hay’adda Amnetsy International waxay dhankeeda ka sheegtay duqeynta uu Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya in lagu dilay 1 qof oo beeraley ah iyo 1 qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad isgaarsiin oo Soomaaliya ka howlgasha.

“Nasiib darro laba qof oo rayad ah ayaa lagu dilay seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 23-ka Bisha Fabraayo ka dhacay gudaha Soomaaliya”, ayuu yiri taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Stephen Townsend.

“Saaxibbada Soomaaliya waxaan u haynaa ixtiraam aad u sarreeya, aadna waan oga xunnahay dhacdadaasi” ayuu yiri taliyaha oo hadalkiisa sii wata.

Warbixintuna waxay ku doodeysaa dadkaasi rayadka iney u dhinteen kaddib marki ay qarxeen miinooyin uu ururka al-Shabaab keydiiyey.

Warbixinta waxaa sida oo kale lagu xusay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom), iney 91 duqeymo oo dhinaca cirka ay ka fuliyeen Soomaaliya iyo Liibiya bilaha Fabruary iyo March ee 2020.

Generaal Townsend wuxuu billaabay inuu soo saaro warbixin ku saabsan waxyeellada dadka rayadka ah ka soo gaarto duqeymaha ay fuliyaan seddexdi biloodba mar, si la mid ah warbixinta taliska dhexe ee Mareykanka ee Bariga dhexe uu soo saaro.

.SSGT BRIAN FERGUSON

Maraykanka wuxuu sida oo kale uu sheegay dabayqaqada bisha May inu diyaar noqon doono bog dadka u sahlayo iney cabashooyinkooda la xiriira waxyeellada dadaka rayadka soo gaaro ay ku gudbiyaan.

Hay’adda Amnesty intentional waxay sheegtay Maraykanka duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyey iney 20 qof oo rayad ah ku dhinteen, hase yeeshee Maraykanka ayaa diiday tiradasi.

Amnesty oo warbixinta Maraykanka ku tilmaantay “mid bogaadin mudan oo muujineysa cadcaddaan howlgallada militari ee sida qarsoodida ah sanadaha badan uga socday meela badan”.

Waxayna ku baaqday in la diyaariyo nidaam dadka rayadka ah ee ay waxyeelladu soo gaartay warbixinnadooda bog Maraykanka uu diyaarinayo ay ku soo gaarsiiyaan, maadaamaa dadku inta badan heysan ku nool dhulka miyiga ay haysan teleefanna u sahlayo soo gudbinta xogaha adeegga interneetka iney helanna ay ku adag tahay.

Waxayna hay’adda Amnesty ku tlisay “in la diyaariyo fursad ay hoggaamiya dhaqameedyada ama xildhibannada la soo doorto ay uga hadlin karaan dadka rayadka ee ku dhinta duqeymaha Maraykanka iyaga oo shacabka matalayo.”

General Townsend ayaa ka soo horjeestay hadalka odhanayo ciidamada Maraykanka howlglladooda Afrika iney si cadcaddaan leh u fulinin.

.

Mar wax laga weydiiyey magdhawga dadka ay waxyeellada soo gaarto taliska oo ka jawaabaya wuxuu boggiisa Twitterka uu ku soo qoray “waxaan kala shaqeyn haynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya sidi aan tallaabada xigta u qaadi laheen.

Al-Shabaab oo qayba badan oo ka mid Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya gacanta ku haya ayaa la sheegaa inuu xiriir la leeyahay ururka al-Qaacida. Sida oo kale waxay weerarro isdabajoog ah ay ka fuliyeen dalka Kenya iyada ururka lagu tirayo ururrada hubeysan ee ugu halista badan.

Bisha Fabraayo ururka al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha dalka Kenya oo ay wada adeegsadaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka, iyaga oo halkaasi ku dilay 3 qof oo Maraykanka u dhashay oo isugu jira 1 askari iyo 2 qandaraasle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here