Hirshabeelle oo ku waabariisatay Mooshinno iska soo horjeeda.

0
16

Hirshabeele (Saxilnews.com)-Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka maamulkaasi waxa ay xalay ka soo gudbiyeen mooshin ay doonayaan in ay xilka kaga qaadaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uu qabtay oo uu gacanta ku hayo mooshinka ka dhanka ah Madaxwayne Waare.

Mr Cismaan ayaa BBC-da u sheegay in Madaxwayne Waare ay tahay markii saddexaad ee mooshin laga keeno tan iy intii uu xilka qabtay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in Madaxwayne Waare lagu eedeeyay ” in uu ku tuntay dastuurka,tagrifalid awoodeed iyo musuqmaasuq baahsan .

musuqmaasuq baahsan “.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre MaxamedLahaanshaha sawirka.
Image captionGudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed

“Mooshin ayaan gacanta ku hayaa waa markii saddexaad oo laga keeno mooshin kalsooni-kalanoqosho ah ka dib markii lagu soo eedeeyay qodobo badan oo ay ka mid yihiin inuu ku tuntay dastuurka,ku tagrifalidda awoodda iyo musuqmaasuq baahsan”, ayuu yiri gudoomiyaha.

Sheekh Cismaan Barre ayaa xusay in mooshinkan ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan oo doonaya in xilka laga qaado Madaxwayne Waare.

“Aniga waxaa la ii keenay mooshin ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan, xildhibaanada waajibka ugu wayn ee ay qabtaan waa sharci dajinta, matalaadda shacabka iyo la xisaabtan, marka waa qeyb la xisaabtanka ka mid ah”, ayuu yiri gudoomiye Cismaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa dhanka kale qiray inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Madaxwayne Waare.

Balse waxa uu beeniyay in khilaafku yahay mid shaqsiyadeed isaga oo sheegay in uu yahay mid ku saleysan dastuurka.

“Khilaafka naga dhaxeeya waa mid dastuuri ah, anaga waxaan halkan ku joognaa sharci, qof ra’yigii halkan kuma joogno, waxaan nahay dad hoos yimaadda dowladda Soomaaliyeed, dhisteena dadka reer Hirshabeelle ee ka kooban labada gobol,” ayuu yir gudoomiyaha.

Waxaa uu intaa ku daray in madaxwaynaha uu doonayo in uu “ra’yigiisa ku maamulo” Hirshabelle.

“Madaxwaynaha waxaa uu caadaystay oo uu sharci ka dhigtay inuu ra’yigiisa ku maamulo Hirshabeelle anigana hay’addii sharci dajinta ayaan madax ka ahay,” ayuu intaa ku daray.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo kama soo baxin dhanka Madaxwaynaha Hirshabeelle oo ku aadan mooshinkan.

Dhanka kale, waxaa iyana jira xildhibaanno kale oo Barlamaanka Hirshabelle ka tirsan oo iyana isla Guddoomiyaha Baaralamaanka Cismaan Barre Maxamed, ka gudbiyey mooshin ay ku doonayaan in ay xilka kaga qaadaan.

Guddoomiya kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdi Xuseen Geeddi, ayaa BBC u sheegay in mooshinkan ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabelle.

“Mooshinka caawa waxaa ii keenay xildhibaano dhowr iyo Soddon gaaraya guriga ayay iigu keeneen waxaa soo saxiixay xildhibaano gaaraya 63 xildhibaan oo baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan,” ayuu yiri Mr Geedi.

Guddoomiya kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdi Xuseen Geeddi,ayaa farta ku fiiqay in mooshinkan laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka qodobada loo cuskanayo ay ka mid yihiin in uu caqabad ku noqday howlihii Baarlamaanka Hirshabeelle.

“Sababta loo keenay ayay yiraahdeen. waxay tahay inuu caqabad ku noqday baarlamaanka howshiisii in la socodsiiyo iyo howlihii fulinta ay laheyd faragalin uu ku sameeyay,” ayuu yiri Mr Geedi.

Mooshinadan iska soo horjeeda ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Soomaaliya uu fara ba’an uu ku hayo feyrsika Corona islamarkana aysan sahlanayn in kulamo ay yeeshaan baarlamaanka.

 

xigasho BBC 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here