Sacuudi Carabiya oo joojineysa ciqaabta karbaashka

0
17

Sucuud Arabiya (Saxilnews.com)-Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay nambar kow ka tahay dunida marka ay timaaddo tacaddiyada ka dhanka ah xuquul insaanka.

Magaalada RiyaadLahaanshaha sawirkaAFP

Markii ugu dambeeysay ee ay bogagga hore ee warbaahinta qabsato ciqaabta karbaashka ee Sacuudi Carabiya, waxay ahayd sannadkii 2015-kii markii la karbaashay Raif Badawi oo wax ku qora baraha bulshada kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu aflagaadeeyay Islaamlka.

Waxay ahayd in toddobaadkasta lagu dhufto 1,000 karbaash balse waxaa badbaadiyay cambaareynta dunida iyo wararka sheegayay inuu dhimasho qarka u saaran yahay.

Tifaftiraha arrimaha Carabta ee BBC-da Sebastian Usher ayaa sheegeya in tallaabadaasi aanay sawir wanaagsan u ka bixin Sacuudi Carabiya. Balse haatan waxay u muuqata in sharcigaasi gabi-ahaanba meesha laga saaray.

Hase yeeshee waxaa jira mowjado xarig ah oo lagula kacaya dadka ka soo horjeeda boqortooyada Sacuudi Carabiya. Galinkii hore ee Jimcaha ololeeyihii xuquuqda aadana ee ugu caansanaa Sacuudiga ayaa xabsiga gudihii ku geeriyooday kaddib markii uu ku dhuftay xanuunka qofka dhinaca qalajiya ee faaligga loo yaqaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here