Covid-19 Vietnam weli kiis dhimasho ah lagama soo sheegin, Maxay sameeyeen oo mudan in la raaco?

0
27

Vietnam (Saxilnews.com)-Iyadoo xanuunka Covdid-19 uu dunida ku sii baahayo waxaa jira hal dal oo aanay saameyn weyn ku yeelan dhibaatada xanuunkan.

Inkastoo Vietnam ay soohdin la wadaagto Shiinaha, halkaaso oo uu ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ah iyo tirada dadka kunool halkaasi oo 97 milyan yihiin ayaa waxaa haddana laga soo weriyay 268 kiis oo kaliya, dhimashana haba sheegin.

Vietnam ayaa bulshadeeda u abaabushay la dagaalanka coronavirus waxayna raaceen shuruucda xanuunkan dunida halakeeyay. Balse haatan waddankaasi ayaa bilaabay inuu qaado xayiraadihii saarnaa waxa uuna ogolaaday in iskuulada dib loo furo.

Marka sidee ayay u sameeyeen? Ma noqon kartaa waddo ay raacaan dalalka kale?

Xuduudaha ayay xireen

Dhammaan ajaaninta ayaa dalkaasi laga mamnuucayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDhammaan ajaaninta ayaa dalkaasi laga mamnuucay

Vietnam ayaa si dhakhsiya uga falcelisay markii dhamaadkii bishii Janaayo dalkeeda laga xaqiijiyay kiisas Coronavirus ah, waxayna durbadiiba xidhay soohdinta ay Shiinaha la wadaagto. Waxay sidoo kale bilowday tijaabinta heer-kulka dadka soo galaya dalkeeda.

Markii ay xaqiijsay in dhammaan kiisaskii laga helay ay noqdeen kuwa la keenay, dowladdu ayaa amar ku bixisay in qofkasto oo dalka soo galayo uu maro karantiil muddo 14-maalmood ah. Xitaa dowladdu waxay sameeysay iney hoteello kireeyso si dadka loogu karantiilo, waxayna ahaayeen kuwa bilaash ah.

Dhamaadkii bishii Maarso waxay dalkeeda ka mamnuucay iney soo galaan dhammaan ajaaninbta oo ay xitaa ka mid ahaayeen dadka Vietname ka soo jeeda ee haysta baasaaboorada kale.

Dabagalka dadkii la kulmay qof uu ku dhacay Covid-19

.Lahaanshaha sawirkaAFP

Dadka laga helay coronavirus ayaa la gooni yeelay qofkasta oo la kulmana dadkaasi waa la daba-galayay kaddibna baaritaan ayaa lagu sameeynayay. Vietnam ayaa xaqiidii hergelisay iney dalkeeda ku sameyso qalabka wax lagu baaro oo aanu qiimihiisu badnayn.

Abaabulka bulshada

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dowladdu waxay bilowday olole wargelin ah oo dhammaan dalka oo dhan laga sameeyay, muuqaallo warbixino xambaarsan ayaa la baahiyay , waxaa sidoo kale magaalada lagu dhajiyay sawirro ka turjumaya qaabkii geesinimada lahaa ee dagaalkii Vietnam ay dadku u dagaallameen. Dalka Vietnam waxa uu aad ugu dheereeyaa abaabulidda bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here