Muusa Biixi: ‘mar weliba 60 jir inaan colaad beeleed u xidhno xal ma aha’

0
14

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dawlad ahaan aanay waxba la hadhi doonin joojinta dagaallo beeleedyo saaka laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray degmada fadhigaab ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Biixi wuxuu sheegay Ciidamada iyo kuwa booliska ee Somaliland iney ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan maleeshiya beeleedyadaasi dirirsan oo midba ay aag ku horjoogsadeen.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dirir dhawrkii sano ee u danbeeyay gobolkaasi meelo ka mid ah ku dhexmaraysay maleeshiyo beelaadyo iska soo horjeeeda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo BBC-da wareysi gaar ah siiyey wuxuu wareysiga uu kaga warramay arrima ay ka mid yihiin dagaal beeleedka, sanduuq dhaqaale oo ay dawladiisu ku shubtay 3 milyan oo doolar oo loogu talogalay la dagaallanka Covid-19, arinta masaajiidda iyo qaadka.

Marweliba oo uu dagaalkaasi dhaca dowladda intey gurmato oo ay ciidan kala dhexdhigto ayaa xalka loo doonaa Culimada iyo waxgaradka, inta uu dagaalkaasi socdayna marweliba waa la soo gabgabeeyaa si diimeed, si dhaqameed iyo si dowladeedba marweliba waxaa la yirahdaa waa la heshiiyey waa la isdhaarsadaa marka la soo dhaqaaqana halki unbuu ka billaawdaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Muusa BiixiLahaanshaha sawirkaXMSL

“Dowladduna marar badan ciidamo ayey beelahaasi kala dhex dhigeysay, laakiin xalku waxaa weeye dadka deegaankaasi isku dilaya haddii ay iyagu ka soo go’in nabaddu marwalba oo heshiis la galaba oo ay hadana colaadu billaabaan iyaga ayay eedda saaran tahay, waa in iyaga xal laga helaa” ayuu yiri.

“Inkabadan 200 oo qof baanu xidhnay, dagaalkan imika dhacay halkan waxaa ku xiran 80 jirro ay inamadooda wax dileen xaqna maaha in maalin walba oday 90 jir ah la soo jiido oo inanka walaalkii iyo adeerkiina la baxsanayaan ninki wax dilay oo ay qarinayaan”.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa kala oo uu sheegay in la furay sanduuq Covid-19 looga tala galay oo ay xukumaddu ku shubtay 3 malyan oo doolar, si ay dadka tujaarta ah gacan uga geystaan.

Dhanka kale Madaxweyne Muuse, ayaa ka hadlay hawsha culimmada iyo xidhitaanka masaajidda, wuxuuna sheegay in hawlaha caafimaadka aysan isaga iyo wadaaddada midna u oollin, ee ay tahay hawl bahda caafimaadka maanta u taalla. Isaga oo sii sheegaya waxay isaga culimadu kala yeeli doonaan ayuu yidhi: ‘Waa loo ergo badiyaa culimada inta aanan tallaabbo qaadin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here