Dawlada Sucuudiga Oo Xayiraadii Ka Qaaday Xoolaha Somalida

0
15

Jidaha (Saxilnews.com)-Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in xilligan si ku meelgaadh ah Xoolaha Soomaalida loogu furay suuqyada Dalkaasi in loo dhoofiyo.

Wasaaradda deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ayaa go’aamisay in loo baahan yahay in ka badan 100,000 oo Neef oo ah xoolaha Somalia muddo 30 maalmood gudahood ah.

In ka badan saddex sano ayuu xidhnaa Suuqa xoolaha Soomaalida ee sucuudiga loo dhoofiyo, marka laga reebo xilliga xajka oo si kooban loo furi jiray.

Sidoo kale Sucuudigu wuxuu fasaxay badeecado ganacsi oo ka iman jiray dalal kala duwan kuwaasi oo ka xanibnaa ama laga joojiyay in dalkaasi loo dhoofiyo.

Arrintaasi ayaa salka ku haysa saamaynta ay dalkaasi ku yeesheen xanibaadaha caalmiga ah ee Cudurka Coronavirus, gaar ahaan dhanka amniga cunada Sida ay ii xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed oo aan la xidhiidhay.

https://rasdnews.net/268593/?mobile=1

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here