Caqbada Kowaad Ee Colaadaha Aan Dhamaadka Lahayn Ee Gobolka Togdheer waxaa hurinaya oo marka mid badhtidaba mid kale dabka ku qabanaya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Cadowyuurura

0
23

Caqbada Kowaad Ee Colaadaha Aan Dhamaadka Lahayn Ee Gobolka Togdheer waxaa hurinaya oo marka mid badhtidaba mid kale dabka ku qabanaya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Cadowyuurura oo ku shaqaynayey hab caadifad iyo qabiilaysan tan iyo wakhtigii xilkaasi loo soo magacaabay .

Waxaa hada isku horfadhiya Deeganka Baliga Ismaaciil Xuseen dhinaca Bari Ee Deeganka Cadowyuurura laba ciidan oo hubaysan oo ka kala socda labo qabiil wada deegankaasi iskuna khilaafsan Deegan cusub kadib markii Gudoomiyaha Gobolka Togdheer uu deegaamayn cusub qabiilsan kasameeyey Deeganada Ismaaciil Xuseen , Baliwayd , Awshugri IDPs , Cadowyuurura Iyo Guryosamo kuwaasi oo dejiyey dad kasoo jeeda qabiilkiisa oo laga soo raray xuduudka Somaliland iyo Itoobiya dhinaca hawd kuwaasi oo koox koox u degaya deegankaasi tan iyo wakhtigii uu hogaanka Gobolka qabtay Xamse Cadowyuurura .

Arintan cakiran ayaa timi kadib markii Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Cadowyuurura uu dejiyey 1000 qoys uu qaxootiya ku tilmaamay Deeganada Baliwayd Iyo Ismaaciil Xuseen iyo Qormada cusub ee Guryosamo oo dhinaca koonfureed ee degmada Burco waxa kale oo halkaasi geeyey maalmihii ugu danbeyey ciidan beeleed xoogan oo ka soo jeeda qabiilkiisa si ay dhul balaadhsi iyo calaamado hor leh uga hirgeliyaan goobahaasi kadib markii uu Gudoomiyaha Gobolku siiyey Cagaf ubanaysa dhulkaasi , taasi oo ka cadhaysiisay dadka xoolo dhaqatada ah ee deegankaasi .

Kulan wada hadal ah oo dhexmaray Madaxda dhaqanka labada beelood ee colaad xoogan ka dhex aloosantahay ayaa noqday mid lagu soo kala kacay oo bilaa rajo kusoo dhamaaday ,iyadoo ay wali sidii isu hor fadhiyaan labadii ciidan beelood ee ku muransanaa deeganka udhexeeya ismaaciil Xuseen iyo Iskudhoon iyo deeganada cusub ee laga yagleeyey deeganada koonfurta Degmada Burco.

Ilaa hada majirto wax talaabo nabadayn ah oo uu qaaday gudoomiyaha Gobolka togdheer balse waxaa hogaan unoqday mid kamid beelaha oo hub iyo ciidan iyo gaadiidba ku tageeray isla markana u aqoonsadsay qaar kood deegano rasmi oo kujira qorsha heer gobol waxaana kamid ah Deeganada Guryosamo, balliwayd iyo Awshugri IDPs oo uu ka qaybiyey raashin iyo sidoo kale lacago loogu talogalay dadka jilicsan oo ay hayaduhu bixiyaan halka uu sidoo kale diiday inuu deegan rasmi ah aqoonsado deegano guun ah oo taarikho dheer soo jiray sida Deeganka Kaamka Ilma Sheekh Iyo Deeganka Xayir .

Sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxaa mudo bil ah ka hor joojiyey barkado cusub oo laga hirgeliyey duleedka tuulada Cali Saahid taasi uu bedelkeedii markiiba hirgeliyey deegan cusub uu dejiyey jifadu uu kasoo jeedo waa deeganka Baliwayd .

Joojinta barkadahan cusub ayaa sababay khasaare soo gaadhay baaburkii uu watay gudoomiyuhu kadib markii ay rasaas xoogan ku fureen dadka ku dhaqan nawaaxiga degmada Cali Saahid ee Gobolka Togdheer .

Waxaa sidoo kale jira khilaaf xoogan oo udhaxeeya Gudoomiye Cadowyuurura Iyo Duqa Burco Muraad kaasi oo salka ku haya arimaha deegamaynta cusub ee ka socda Gobolka Togdheer ilaa hadana ma jirto wada shaqayn ka dhaxaysa labadan masuul kadib markii ay isku af dhaafeen deegan cusub oo uu duleedka Burco ka sameeyey Gudoomiyaha Gobolku isla markaasina uu ka biyo diiday duqa magaalada Burco markii uu arkay habka uu dhaqmaayo masuulkii ugu sareeyey Gobolka kana masuulka ahaa nabadgalyada iyo ilaalinta Deeganka Gobolka iyo Degmadba .

Madaxwaynaha Somaliland , wasiirka arimaha Gudaha iyo xukuumaduba il gaar haku eegto dhaqdhaqa qabiilaysan ee uu ku kacay Cadow yuurura sidoo kale dawladu baadhis madax banaan haka samayso arimahaasi aan sare kusoo sheegay meel xun gaadhi kara mustaqbalka dhow hadii aan si dhakhso ah wax looga qaban .

Sidoo kale ma jiro deegan kaliya oo ka fayow qabyaalada Badhsaabka Togdheer waxa jiro deegano lagu kala guuray kadib markii uu khilaaf ka huriyey sida deeganka cali sahid oo lawada deganaa boqolkii sano ee udanbeeyey .

Xaalada imika ka taagan deeganadaasi ayaan la garan karin xagay cago dhigto laakiin odayasha dhaqanka iyo ergada labada beelood ayaa ka dhursugaya talaabada ay ka qaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here