“Qolyaha leh Markale iyo Midnimo Somalia” waxa aan ugu Jawaabaynaa “Ma Mudna Mar-kale”

0
16

Hargaysa (Saxilnews.com)“Qolyaha leh Markale iyo Midnimo Somalia” waxa aan ugu Jawaabaynaa “Ma Mudna Mar-kale”

Waxaynu Kaliya Awood iyo itaal Ku Leenahay Somaliland Ahaan, waa Markaynu Qaran ahaan Dhexdeena Midawno, Markasta oo aynu Kala Qayb-san nahay Waxaynu Nahay Kuwo Aan Cadaawaha Iyo Ciil Qabashaasha Meel uga Soo Wada Jeedin.
Waxaan Farriintaydan Kooban Ku Cadaynayaa Somaliland Waa Qaran Tashaday oo Tacab Loo Dhan Yahay La Geliyay, Waa Qaran Dimuqraadiyada Ka Jirtaa Ay Ku Majeertaan Barriga Africa iyo Bulshada Caalamku, Waa Qaran Leh Xuduudo Caalami Ah, Dawladnimo Dhamaystiran, Xisbiyo Siyaasadeed, Calan, iyo Ciidan Lagu Majeerto Qaab Dhismeedkooga.
Shacabka Somaliland Waxay Diyaar u Yihiin in Somalia Ay Labo Dal oo Kala Madaxbanaan Kala Noqdaan, Balse Nabad iyo Daris Wanaag Kuwada Noolaano, kana Wada Shaqayno Sidii Door-weyn Aynu uga Wada Qaadan Lahayn Isbeddelka Dhaqan-dhaqaale, Ganacsi iyo Bulsho ee Ka Socda Gobolka iyo Guud Ahaan Qaaradda Afrika.
Somaliland waxa ay Aaminsan-tahay, Kuna Shaqaynaysay intii ay jirtay Iskaashi, Is-xaq-dhawr iyo Daris-wanaag.
Waxaanse leenahay dhibaatada iskudarkaasi maanta keentay, ee naga soo gaadhay soddonkii sano ee aanu Somalia midaysnayn, waxa nagaca culus oo nagaga khasaare badan siddeed iyo labaatanka aynnu kala maqnayn ee aad lahaydeen ma xoroobi karaan, ma ictiraafayno iyo waa qayb naga mid ah.

HA GUULEYSATO JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here