Dawlada Sucuudiga Oo Fasaxday Xoolaha Somalida Oo Dhan

0
16

Berbera ( Saxilnews.com)-Dawlada Sucuudiga Ayaa Xayiraadkii Ka qaaday xoolaha Somalida gaar ahaana xoolihii ka dhoofi jiray dekedaha Berbera , boosaaso Iyo Muqdisho halka usbuuc ka hor laga fasaxay xoolihii ka dhoofi jiray Dalka Jabuuti isla markana laga raray markabkii ugu horeeyey ee xoolo geeya dalka Sucuudi Carabiya markan oo 3 cisho ka hor gaadhay dalka sucuudiga ayaa lagu magacaaba MV Yasir waxaanu qaaday xoolo tiro badan oo noqonaya kuwii ugu horeeyey gaadha dalkaasi mudo afar sano ah kadib .

Xoolaha somaliland ayaa iyaguna qayb ka ah xoolaha la furay waxaana dekeda Berbera ka dhoofi doona xoolo tiro badan todobaadka soo socda .

Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha dalka sucuudi ayaa sheegtay inay fasaxday xoolaha somalida oo la joojiyey sanadkii 2016kii kadib markii xoolaha somalida looga shakiyey xanuunka Reftifaalig taasi oo sababta lahayd LO’ ka dhooftay Dekedaha Somaliya gaar ahaana Boosaso .

Fasixida xoolaha somalida ayaa ka danbaysay kadib markii ay yaraadeen xoolihii sucuudigu ka qaadan jiray wadamada Qaarada Aasiya Iyo Yurub iyo waliba wadamada Afrika .

Qaar kamid ah Ganacsatada dhoofka xoolaha somaliland ayaa noo xaqiijiyey xayiraad ka qaadida xoolaha somalida .

Sidoo kale Faysal Cabdi Xasan Wakiilka Shirkada Emirates/ Aljaabiri Gobolka Saaxil ayaa sheegay in guud ahaanba xayiraadii Laga qaaday xoolaha somalida waxaa uu xusay inay isu diyaarinayaan dhoofinta xoolaha nool ee ka tagaya Dekeda Berbera todobaadkan soo socda .

 

Mukhtar Abdirahman

Www.saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here