“Ethiopian Airline Fasax Nagama Haysato…” Wasiirka Duulista Soomaaliya

0
25

Moqdisho(Saxilnews)Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar wasiirka Duulista Soomaaliya ayaa sheegay inay kiis gaar ah tahay imaanshaha diyaaradda Ethiopian Airline ee magaalada Hargeysa, islamarkaana aanay haysan fasax ka duwan kan ay Somalia diyaaradaha oo dhan ku mamnuucday.

Wasiirku wuxuu yidhi “Ogolaansho aan siinay diyaaradaas ma jirto, ku meel gaadh ama fasax caadi ah toona, waxayna hadda ka degtaa Hargeysa, balse waxay keentaa dad Soomaaliyeed, sida aad ogtihiina qofkii ka yimaada dalka dibadiisa 14 maalin oo karaantiil ah ayaa la geliyaa, marka safarada diyaaradaas waa xaalad gooni ah,” ayuu yidhi wasiirka duulista hawada Soomaaliya.”

Wasiir Oomaar wuxuu sheegay inay jiraan diyaarado gaar ah oo fasax ay siiyaan marka ay Hargeysa ka degayaan “Waxaa jira diyaarado kale oo sida dawooyin iyo qalab caafimaad oo anaga fasax naga heysta, kuwaas oo ka dega magaalada Hargeysa. Hadda waxaa Hargeysa ka degaya diyaarad daawo sida oo aan anagu fasaxnay, sidaas ayaana u fasaxnaa diyaaradaha gargaarka sida ee ka degaya Hargeysa, ileen waa lagama marmaan’e,” ayuu yidhi wasiir Oomaar.

Diyaaradda Ethiopian Airline ayaa si joogta ah u timaadda magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waana markii u horraysay ee ay Soomaaliya qirato in aanay fasax siin duulimaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here