Goobare Gabal Kuugu Dhac Habaar Mise Duco .

0
26

Berbera (Saxilnews.com)-Waa bankii Caanka ahaa ee Goobare oo rooban gaar ahaana dhinaca soke ee ku dhow deeganka Magab waa dhul aad uqurux badan wakhtiyada roobabku da’ayaab balse waxaa taasi bedelkeeda ah waa goob lagu dhinto wakhtiyada xagaaga ama bahalka isma liiga loo yaqaan ka qadhaabto wakhtiga uu xagaagu dhaharto .

Goobare waa ban /banaan / caab ku ah deegnada somalidu degto qofkastana uu yaqaano waayadii hore waxaa laysku habaari iiray sidaan kasoo gaadhay odayasdhii hore “Goobare gabal kuugu dhac ”
Waxaa bankan witiririga ah iigu horay 2008dii mar aan u raacay wafti uu hogaamiyey wasiirja wasaarada waxbarashada ee dawladii Riyaale Xasan gadhwayne wakhtigu waa xagaa aad ukulul oo hanfi iyo dabayl wada socdaa ku leefayaan , madax cumaamad ayaan ku duubtay waxa kale oo aan xidhananahay muraayado madow oo aan ka xidhay halalacda qoraxda kulal ee yomayoma ah .

9:00am subaxnimo ayaanu ka dhaqaaqnay xafiiska Gobolka Saaxil waxaanu sii marnay jid adag iyo dooxyo waawayn iyo sidoo kale ciid guurayso oo soconaysa dhulka korkiisa waa markii iigu horaysay ee aan jiida maro dhulku waa igu cusub yahay waxaa la socda baabur ay saarnayeen Iskuduwihi wakhtigaa ee wasaarada waxbarashada Gobolka , waxaanu sii jeedno markaan marayno deeganka loo yaqaan Awar Qari oo ah dhul barcuud ah oo jilicsan inkastoo aanay dheerayn masaafada baaburku galaya hadana way adag tahay in laga gudbaa wakhtigaa sadex baabur ayaanu ku wada soconaa , waxaa socdaalka nagu wehelinaya saraakiil ka socda Haayada Save children , baabur ay qolo cadaan ah saarnayeen ayaa naga limaday ( galay) ciidii waanu isugu tagnay xataa dadkiiba dhaqaajin kari waayey baaburka waxaad moodaysaa inaanay waxba haysan hadana dhaqaaqi maayo yaab ! Baabur kale ayaanu sudhnay kii 2aad ayaa isaguna degay ! Dhulka ciida soconaysaa way ku aasaysaa marar qaar oo halka aad dhulka dhigto ayaa buuxsamaysa waxaa ku gadaaman deegan buuro ciid ka samayn oo ku liqaya hadaad istidhaa dulsoco .

Labadii baabur mudo saacado kadib ah ayaanu ka saarnay goobtii mudo saacad ah waxaanu dhamaynay biyo iyo kaluun aanu maalin dagaal ugu talo galnay kulaylka iyo hanfiga meesha ka dhacaya dartood waxaanu soo eegaynay iskuulka deeganka laasciidle iyo Deeganka karin oo aanu dib ugu soo noqonaynay , deeganka dhibtu nagala kulantay waan ka geelu daaqayo oo waa banka Goobare .

Qoladii gaalada ahayd ayaa naga diiday inaanu hore usocno waxaa kamid ahaa hadalkii aab ka sii xuusto maalinta mr minister there is no road here nin madow oo afrikaan ayaa hadalkan ku lahaa wasiir Xasan kadibna dib ayaanu usoo noqonay masafao dhan 65 km aanu sii soconay ilaa tan iyo saaka wakhtigu gelin danbe ayuu usii wareegaya galin danbe ayaany soo galnay magaaladii Berbera ee aanu saaka ka baxnay .

Dhacdooyinka aan kala kulmay waa badnaayeen deegaankaasi mudo dheer oo aan safar ku marayey laakiin hadii aan dhanka kale eegno ama nimcada deegankani runtii waa dhulka ugu quruxda badan ee horwaynta geel hawd uga timaado wakhtiyada qabowga casarkii markaanu Berbera kusoo caraabayno ee aanu ka nimaadno xeebaha bari waxaan kusoo dhaafna deegankaasi oo geelu dhinac isku hayo islamarkaana uu raaminayo geedka loo yaqaan Tuqaaraha faruurta iyo ishana cadeed dhaca ku beegay( Cadceedsanay ) baarqabkuna marba qaalin ameer ah wareejinayo dureemada dhexdeeda ishaaduna aanay ka jeesaynayn quruxda dhulka iyo xoolaha uu geelu ugu horeeyo mararka qaar waxaa arkaysaa awar naacnaaxday oo hablo shabado ah intay seeta ka fureen daba talaabsanayaan iyagoo hees hawleed ku xero gaynaya waxa kale oo aad arkaysa nirgo socod barad ah oo rakaynaya dhulka dushiisa waa dhul qurux badan oo biyo qabtin leh oo xoolo ku barwaaqaystaan wakhtiyada roobka iyo qaboobaha oo la dego hadii ay gaadho bilaha 5 shanaad sanad kasta waa laga guuro oo waxaa loo kacaa dhulka oogada ah ee ka saraysa sababtu tahay xoolaha iyo dadka way ku adag tahay dhinaca nolosha wakhtiga xagaaga oo ku arki maysid hal neef oo daaqaya bankaasi iyo nawaaxigisa .

Muuqaalkan quruxda badan waxaa uu ixaauusiyey deegankan oo aan mudo dheer marayey ama ka shaqaynayey waa dhul xoolaha iyo dadkuba degi karaan hadii biyo laga soo saaro .

Wakhtiyada qaar waxaa layga sheekeyey in haraad loogu geeriyoday banka goobare.

Mukhtar A. Eesh-Qiyasak
Berbera .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here