Coronavirus: Muxuu yahay heshiiska ay Culimada iyo maamulka Puntland ka gaareen xiridda Masaajidyada?

0
22

Garoowe (Saxilnews.com)-Tan iyo markii dhawaan Soomaaliya looga dhawaaqay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka coronavirus ah, maamulka Puntland ee Soomaaliya waxa uu qaaday tallaabooyin looga hortagayo inay ballaarato saameynta caabuqan ku faafay dunida.

Meelaha ugu horreeya ee tooshka lagu iftiimiyay waxaa ka mid ah masaajidyada, oo ah goobaha ay dadka ugu badan si joogto ah isugu imaadaan.

Meelo badan oo ka mid ah dalalka caalamka ayaa masaajidyadii ku yaallay albaabbada la isugu dhuftay.

Kulan ay yeesheen mas’uuliyiinyta Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland iyo qaar ka mid ah culimada ku nool halkaas ayaa looga hadlay arrinta ku saabsan xiritaanka masaajidyada.

Hase ahaatee, culimadii shirkaas ka qeyb gashay oo u muuqday inay si weyn uga soo horjeedaan tallaabo noocaas ah ayaa sheegay inay aqbaleen in jadwalka wax laga baddalo, laakiin aan lagu dagdagin xiritaan.

Waxay ku doodeen in xiiligan aan la joogin waqtigii la xiri lahaa masaajidyada deegaannadaas, balse ay hay’adaha dowladda iska kaashanayaan sidii dadka looga wacyigelin lahaa khatartka cudurka Covid-19 ee saf-marka ah.

.Lahaanshaha sawirkaSONNA
Image captionWali ma jiro kiis coronavurus ah oo laga soo tabiyay Puntland

Sheekh Maxamed Godane Xoosh oo kamid ah culimada Puntland ayaa BBC-da u sheegay in iyaga iyo Wasaaradda Cadaaladda ay ku heshiiyeen wadashaqeyn, isagoo meesha ka saaray in masaajidyada la xirayo.

“Waxaan isku waafaqnay inaan gacan isku siinno wax walba oo shareecada waafaqsan. Marnaba kuma aannaan heshiinin wax shareecada Islaamka kasoo horjeeda. Masaajidyada waxay noqon doonaan meelaha ugu dambeeya ee xiritaankooda laga tashan doono marka waqtigeeda la gaaro. Waxaa ka horreeya in dadka la wacyi galiyo, in la xiro meelaha weysada ah, in la xiro musqulaha, in lasoo gaabiyo waqtiga masaajidka la joogayo, la la soo koobo khudbada jimcada,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here