Nayroobi (Saxilnews,com)-Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay inuu jiro weerar la qorsheynayo in lagu qaado madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
War saxaafadeed ay maanta soo saareen mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga gudaha ayaa lagu yiri:-
“Wasaaraddu waxay bulshada la wadaagaysaa in uu yahay wax kama jiraan eedaha lagu xusay qoraal lagu sheegay in qaar kamid ah hay’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Mudane, Shariif Sheekh Axmed. Wasaaraddu waxay caddeynaysaa in Madaxweynaha haatan xilka haya iyo labadii Madaxweyne ee ka horreysay ay dhammaantood amnigooda sugaan askar ka wada tirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, sidaas daraadeedna aysan suurtagal ahayn wararka haatan la faafinayo”.
Hadalka kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa kusoo aaday xilli galinkii hore ee maanta war kasoo baxay xafiiska madashada xisbiyada qaran lagu sheegay in amniga Sheekh Shariif uu halis ku jiro.
Xigasho Bbc Somali