Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Dhexgalaya Khilaafka Xuduuda Ee U Dhaxeeya Soomaaliya Iyo Kenya

0
18

Adisababa(Saxilnews)Beled Xaawo oo ah magaalada ay xaaladdu ka taagan tahay ayaa dhacda xuduudda saddex geesoodka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Matiang’i ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu doonayo “qaababka ay isaga kaashan karaan” Itoobiya sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada xuduudda ka taagan.

Kulanka ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii ciidamada dowladda Federaalka iyo xooggag daacad u ah Jubaland ay ku dagaallameen Beled Xaawo.

Axadii ayay ahayd markii uu Mr Matiang’I magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaaji oo ay ka wadahadleen xaaladda xuduudda ka taagan.

Soomaaliya ayaa dhawaan Kenya ku eedaysay inay faragelin ku hayso arimaheeda gudaha.

  • Print
  • Send to your friend

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here