Tallaabadan ayaa timid kadib markii Shiinaha uu eryay seddex wariye oo ka tirsan wargayska Wall Street Journal

0
18

Xinhua (Saxilnews.com) Shiinaha ayaa ka dhawaajiyey aargudasho ka dhan ah Mareykanka go’aankiisa ahaa in uu yareeyo tirada shaqaalaha warbaahinta dowladda Shiinaha ee loo ogolyahay in ay joogaan gudaha dalka, iyada oo ka sii dareysa muranka diblumaasiyadeed ee ku aadan sida loola dhaqmayo suxufiyiinta labada dal.

Wakaaladda wararka dawladda ee Xinhua ayaa soo saartay bayaan ay Arbacadii ka soo horjeeddo ku dhawaaqista Washington ee toddobaadkan in ay xaddidi doonto tirada muwaaddiniinta Shiinaha ee fadhigoodu yahay Mareykanka ee u shaqeeya shan warbaahin oo ay dowladdu leedahay.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Shiinaha uu eryay seddex wariye oo ka tirsan wargayska Wall Street Journal.

Xoghayaha arimaha dibada ee Mareykanka
Mike Pompeo ayaa yiri “waxaan rajeyneynaa in talaabadani ay ku kicin doonto Beijing inay dhaqan galiso cadaalad iyo isku xirnaan cadaalad ku dhisan.

Xigasho: The Guardian

Weriye Gamuute Cumarkujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here