Ergeyga qaramada midoobay u qaabilsanaa Libiya oo iscasilay

0
14

Liibiya (saxilnews.com) Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Liibiya ayaa xilkaasi iska casilaya sababa u ku tilmaamay in xaaladiisa caafimaad ay dhibaato ku keeneyso in dalkan waqooyiga Afrika ku yaala uu nebadgelyo ku soo dabbaalo.

Ghassan Salame, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay “xaaladdayda caafimaad ima suura gelinayso in aan xamilo welwel intan la eg”.

Wadahadalada u dhexeya dowladda ay dabada ka riixayso Qaramada midoobay ee ka howlgasha casimada Tripoli, iyo ciddamada daacada u ah jeneraal Khalifa Haftar ayaa burburay heshiis ay horay u gaaren.

Libya waxaa ragaadiyay colaado tan iyo kacdoonkii sanadkii 2011 ee xididdada loogu siibay ninkii adkaa ee Muammar Gaddaf

Isbuuci aynu soo dhafnay Mr salame ayaa ergada Dowladda iyo ciddamada uu hogaaminayo Jeneraal Haftar isugu keenay Geneva, si ay u yeeshan wadahadalo nabadda, balse labada dhinac ayaa dib u dhigay ka qayb qadashadada wadahadaladaasi.

Mr Salame ayaa bartiisa twitterka ku qoray “in labo sano waxaan isku dayay in aan wada mideeyo reer Liibiya kana ilaaliyo farogelin shisheeye sidoo kalena ay ilaaliyaan midnimada dalkooda”.

Xaaladayda caafimaad ima suura gelinayso in aan xamilo welwel intan la eg, sidaas daradeed waxaan ka codsaday Xoghayaha guud ee QM in uu xilka iga qaado” salame ayaa bartiisa twitterka intaasi raaciyay.

Dalka Liibiya ayaa qalalaaso ku jiray tan iyo sanadkii 2011, xilligaas oo uu bilawday kacdoon xilka lagaga tuuray hogaamiyihi mudada dheer ka soo talinayay dalkaas ee Mucammar Gadaafi.

Ciidamada Qaranka ee dalka Libya ee daacadda u ah Jeneraal Xaftar waxaa ay maamulaan inta badan bariga dalkaas. Waxaa ay duulaan ka dhan Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli bilaabeen sanadkii 2019-ka, inkastoo aysan ku guuleysani in ay la wareegaan caasimadda haddana waxaa la sheegaa in ay gacanta ku hayaan inta badan dalkaas.

Ciddamada General xaftar ayaa waxaa ay garab ka helayaan dowladdaha Masar, Ruushka, Sacuudiga iyo Imaaratka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa waraysi uu siiyay BBC-da bishi aynu soo dhaafnay ayaa dagaalka ku tilmaamay mid ”gacmo shisheeye ” ay ka muuqdan waxaa uuna intaasi ku daray in aan la ”aqbali karin”.

Bishi hore ayey wasiirrada arrimaha dibadda ku heshiiyeen iney sameeyaan ilaala cusub oo cika iyo dhulka ah oo ay kaga hortagayaan dalka Liibiya inuusan hub kale soo gelin.

Weriye Gamuute Cumarkujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here