Somalia: Maxay yihiin ciidamada Haramacad ee aadka loo hadal hayo

0
16

Muqdisho ( saxilnews.com) Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada ay Soomaalidu ka wada xiriirto aad loo hadal haya ciidamada booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad, kuwaas oo sawiradooda ay qabsadeen baraha bulshada.

Dad badan ayaa baraha bulshada aad u wareejinayay sawiradda xayawaanka Haramacadka iyo ciidanka dowladda ee loogu magac-daray.

Ciidanka ayaa ka qeybqaatay hawlgal dowladda ay ka fulisay xaruntii ururka Ahlu Sunnah ee magaalada Dhusamareeb, kadib dagaal ka dhacay magaaladaasi.

Ciidanka Haramacad ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidankii la geeyay magaalada Baydhaba xilliga doorashada Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale loo daabulay qeybo kamid ah gobolka Gedo.

Maxay yihiin ciidanka Haramacad?

Ciidanka Haramacad oo katirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.

Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.

Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin shiishka iyo hawlgallada qorsheysan.

Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda ee NISA, sida uu BBC-da u sheegay Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA.

“Ciidamadan waxa ay intooda badan ka mid ahaayeen askartii NISA ee hubka sitay, balse dowladda hadda jirta ayaa u bedashay booliska sida gaarka ah u tababaran.

Waxa ay u badan tahay in magacooda Haramacad lagu saleeyay midabka tuutaha ay xiran yihiin,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA.

Cabdisalaam ayaa sheegay in qaabka loo adeegsaday awoodda ciidamada Haramacad ay niyad jab ku tahay dalalka dhaqaalaha ku bixiyay tababarka iyo tayayntooda.

Ciidamadan oo waayihii dambe soo shaac baxay ayay dad badan dowladda ku dhaliileen inay u adeegsato dano siyaasadeed, cududda ciidmaadanna loo baahnaa in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya iyadaa loo tababaray ciidamada isla markaana xaq u leh halka ay geyneyso iyo qaabka ay u hawlgelinayso, balse waxaa su’aal la gelin karaa cawaaqibka ka dhalan kara in ciidamada loo adeegsado dano siyaasadeed oo laga weeciyo dagaalka Al-Shabaab.
Taasi waxa ay keeni kartaa in laga guul gaari waayo dedaalka loogu jiro in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo dhaliilay hawgallada ay fuliyaan ciidamada Haramacad ayaa dhawaan magaalada Bosaaso ka sheegay in ciidanka Haramacad “si khaldan loo adeegsanayo,”

“Haddii Haramacad loogu talagalay in dawacada reeraha ariga ka cunta ee Al Shabaab ah loogu talagalayna talo ayay ahaan lahayd, laakiin Haramacad xoolihii iyo dadkiiba cunaya runtii waa arrin aan fiicneyn, suurad xunna ka dhalinaysa Soomaalida dhexdeeda,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo dhawaan ka hadlay ciidamada Haramacad.

Haramacad ayaa u badan rag dhallinyaro ah, waxaana taliye u ah nin da’ yar oo lagu magacaabo Farxan Maxamuud Qaroole oo ah dhallinyaro.

Weriye Gamuute Cumarkujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here