Damaca Ruushka Ee Dekedda Berbera, Madaxweyne Biixi Oo Ruushka Wax Ku Soo Bartay Iyo Dareenka Maraykanka

0
18

Dawladda Ruushka ayaa u muuqata inay aad u danaynayso inay saldhig ka samayasto xeebaha Berbera ee Somaliland, haddii ay go’aankaas kaga dhabayso, wuxuu noqonayaa saldhigii u horeeyay ee uu Ruushku Afrika ku yeesho.

Wargeyska caanka ah ee New York Times, ayaa dhawaan qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer Galbeed badan oo ka werwersan.”, waxaanu warbixintaas ku sheegay in dalka Ruusku uu xidhiidho badan la sameeyayAfrika, kuwaas oo uu kaga kasbaday kalsooni.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo katirsan waaxda gaashaandhiga ee Maraykanka, wuxuu sheegay in meelaha uu Ruushku isha ku hayo ay ka mid tahay dekedda Berbera ee Somaliland, “Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigu, madaxda Ruushku waxa ay isha ku hayaan dekedda Berbera inay u noqoto goob ay ka samaystaan saldhig ku yaalla magaalo Xeebeedda Berbera ee Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan. Shiinaha iyo Maraykanka, oo saldhigyo ciidan ku leh Jibuuti, waxa ay la wadaagaan isla xeeb dekedda ay suurtagalka tahay in Ruushku dego.” Sidaas ayay tdhi warbixinta wargeysku qoray.

Warbixintan waxa si weyn iyaguna u qaadaa dhigay warbaahinta dalka Ruushka oo aad u baahiyay damaca dawladda Ruushka ee saldhig uu ka samaysto Berbera.

Maraykanka ayaa u muuqda inuu si weyn uga walaacsan yahay saamaynta Ruushka ee Afrika, si gaarahna waxay isha ugu hayaan dhaqdhaqaaq kasta oo uu Ruushku doonayo inuu ku soo gaadho xeebaha Berbera ee Somaliland.

Bishii January 30-keedii, Guddida Aqalka Senateka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Ciidamada ayaa xogwaraysi qaatay laba saacadood la yeeshay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Africa GENERAL STEPHEN J. TOWNSEND iyada oo sarkaalkaasi uu si weyn uga dayriyey saamaynta sii kordhaysa ee Ruushka iyo Shiinuhu ay ku yeelanayaan qaaradda Afrika, oo soo muujiyey inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyadaas sii kordhaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here