Wargeys Shaaciyey Tirada Xildhibaanada Al-Shabaab Ku Leeyihiin Barlaamanka Cusub Ee Galmudug

0
27

Xarakada Al-Shabab oo la sheegay in 18 Xildhibaan ay ku leeyihiin Xildhibaannada cusub ee Galmudug sida lagu daabacay Wargeyska Horn Observer.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee 89 ka kooban ayaa la sheegay in 18 Xildhibaan oo ka mid ah ay Al-Shabaab soo saareen sidaasna ay saameeyn ugu leeyihiin doorashada Galmudug.

18 ka Xildhibaan ee cusub ayaa wargeysku sheegay in Taageero iyo xiriirba ay la leeyihiin Dagaalamayaasha Al-shabaab

Wargeysku waxa uu sheegay in Xildhibaannada 18ka ah, ay soo bixitaankooda qeyb ka qaateen Al-Shabaab sida uu ila xog ogaal ah kasoo xigtay.

Oday dhaqameedyada ka soo jeeda qabiillada soo xushay baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in oday dhaqameedku uu soo xulay xubinta al-Shabaab ee kuraasta qabiilka ayna iska indho tireen tartamayaashii kale.

“Qofna ma diidi karo tilmaamaha al-Shabaab, Al-Shabaab meel walba waa joogaan, Haddii aad addeeci weydo, subaxa xigga waa lagu soo tooganayaa,” sida uu oday dhaqameed magaciisa la qariyay u sheegay wargeyska Horn Observer,

Mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee Galmudug ayaa u sheegay wariye ka tirsan wargayska Horn Observer in uu ogaa in Ahlusunna ay ka Cabteen 18 xubnood oo al-Shabaab ah, oo soo galay baarlamaanka Galmudug laakiin dowlada iyo odayaashu iska indha tireen.

Xildhibaanku Waxa uu sido kale sheegay in al-Shabaab ay si adag ula shaqeynayaan taageerida qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya madaxweynaha .

“Way iska caddahay in al-Shabaab ay saameyn ku leeyihiin baarlamaanka cusub, Iyaguna waxay leeyihiin ra’yi ku saabsan doorashada,” ayuu yiri xildhibaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin sida uu u sheegay Horn Observer.

Wargeyska ayaa sheegay in Al shabaab meel walba lug la galaan oo taatikadooda ay badaleen sido kale Wargeysku waxa uu shaaciyay in Al shabaab ay xalliyeen muran ka dhex jiray Rugta Ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here