Maxaa Turkiga Ka Dhigay Cadowga Al-Shabaab?

0
22

“Turkiga wuxuu ku guuleystay inuu dhiso ciidamo Soomaali ah oo dagaallo ba’an la galay Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalladii ka dhacay Shabeellaha Hoose”, sidaas waxaa yidhi  Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf, oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha amniga.

Al-Shabaab ayaa si lama filaan ah maalmo ka dib u sheegatay mas’uuliyadda qarixii dad ka badan 80 ruux ay ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-Control-Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxyo horay u dhacay oo khasaare weyn sababay ayeysan si cad u sheeganin Al-Shabaab, waxaana ay sidoo kale markii ugu horreysay ka dhawaajiyeen in markan bartilmaameedkoodu uu ahaa Turkiga.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxaas lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen dad u dhashay dalka Turkiga oo xulufo la ah dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in dadkii ku dhintay weerarkaas ay ka mid ahaayeen 2 muwaadin oo u dhashay dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here