Mashaariicda Bulshada ee DP World Berbera ka Waddo Somaliland si loo abuuro fursado waxbarasho

0
15

Bidix ilaa midig: Jonathan Starr, Aasaasaha iskuulka Abaarso, Supachai Wattanaveerachai,
Maamulaha Guud ee DP World Berbera, Suhail Albanna, Madaxa iyo Maamulka Guud ee Bariga
Dhexe iyo Africa ee Shirkadda DP World iyo Abdillahi Omar Abdillahi, oo ah Ardey ka tirsan Iskuulka
Abaarso.

Mashaariicda Bulshada ee DP World
Berbera ka Waddo Somaliland si loo
abuuro fursado waxbarasho

Dubay, Imaaraadka Carabta – 18ka Desember 2019: Fududeeyaha ganacsiga caalamka ee DP
World waxa ay iskaashi la samaysay Iskuulka Abaarso si kor loogu qaado fursadaha
waxabrasho ee da’yarta Somaliland, halkaas oo DP World wakhti xaadirkan ay balaadhinayso
Dekedda ujeeddo badanka ah ee Berbera.

Shirkadda DP World Berbera waxa ay dhammaystirtay laba barnaamuj oo deeq waxbarasho
ah. Midka koobaad waa deeq waxbarasho oo loogu talogalay ardayda dhibcaha sare keenta
loogu ogolaanayo in ay dhigtaan Dugsiga Teknoolajiyada iyo Sayniska ee Abaarso laga
bilaabo 2020. Deeqdan waxbarasho toban arday oo aan iska bixin kareen lacagta dugsiga ayaa
lixda sano ee ay Dugsiga ku jiraanba ay Shirkadda DP World Berbera ka bixinaysaa lacagta.
Ardaydan waxa laga soo xulayaa ardayda ugu saraysa imtixaanka galitaanka dugsiga ee
fasalka 7aad ee Abaarso. Bixinta deeqdan waxbarasho DP World Berbera waxa ay kaga qayb
qaadanaysaa in ay xaqiijiso in fursadaha caalamka ee Abaarso noqdaan kuwo u furan
dhammaan ardayda reer Somaliland iyada oon la eegin awoodda dhaqaale.
Deeqda waxbarasho ee labaad waa mid Shirkadda DP World Berbera ay 8 hablood si sanad
ah u siinayso hablaha yaryar ee gobolka Saaxil si ay galaan Kuliyadda Waxbarashada ee
Jaamacadda Barwaaqo. Jaamacadda Barwaaqo oo uu aasaasay dugsiga Abaarso sanadkii
2017kii waa jaamacaddii u horeysay ee dumarka gaarka ah ahayd hoyna (boarding) ah ee
Somaliland laga hirgaliyo. Iyada oo soo bandhigtay tacliinta Abaarso oo kale, Barwaaqo waxa
ay xooga saartaa horumarinta akhlaaq iyo mabaadi xoogan oo lagu bixiyo 24saac goob ay
ardaydu u hoyato.
Ujeeddada deeqdan waxbarasho waa in hablaha ka soo qalin jabiyaa ku soo noqdaan Gobolka
Saaxil kaalin muhiim ahna ka qaataan horimarinta tayada waxbarashada. Si tan loo gaadho,
Shirkadda DP World Berbera waxay qorshaynaysaa in ay iskaashi la samayso Dugsiga

Abaarso iyo Dawladda Hoose ee Berbera si loo taageero aasaasidda iyo dhismaha dugsiga K-
12 ee Berbera looguna magac daro Dugsiga Kaabe ee Shirkadda DP World Berbera.

Suhail Albanna oo ah Madaxa iyo Maamulaha Guud Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkadda DP
World ayaa yidhi “in laga furo Dugsiga tayadiisu aadka u sarayso ee maraykanku ruqsadda
siiyay ee K-12 Berbera waxay saamayn togan ku yeelanaysaa horumarka magaalada iyada oo
sidoo kale ka dhigaysa Dekedda DP World Berbera meel aad soo jiidasho u leh oo shaqaalaha
ku dhiirigalisa in ay qoysaskooda keenaan. Si kale haddii aan u dhignana, in deeq waxbarasho
la siiyeyo hablaha yaryar ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil fursadna loo siiyo in ay dhigtaan
Jaamacadda Barwaaqo waxay sidoo kale xoojinaysaa awood kobcinta haweenka gobolka”.
Al Banna waxa uu sii raaciyay in hindiseyaasha kaqaybgalka bulshada ee saamaynta lihi
muhiim ama aasaas u yihiin qorshaha waara ee shirkadda DP World ee ‘aduunkeenna,
mustaqbalkeena oo ay waxbarashadu u tahay curiyaha ama dhaliyaha horumarka dhaqaale
iyo bulsho.
Magaca Abaarso waxa uu tilmaan u noqday tayo, waxa mahad iska leh Dugsiga Abaarso ee
Teknoolajiyada iyo Sayniska, oo ah dugsiga kaliya ee Maraykanku ruqsad siiyay ee ku yaal
Somaliland. Dugsiga Abaarso hadda waxa wax ku barta ardayda fasalada 7aad ilaa 12aad
dalabka in la galo fasalkiisa 7aadna waxay 35 jeer ka badan tahay inta uu qaadi karo. Dugsiga
Abaarso waxa uu hadda ka furay Hargeysa Kaabihiisii 1aad kaas oo qaadi kara in ay iska
diiwaan geliyaan illaa 700 oo arday- iyada oo la adeegsanayo deegaanka waxbarashada
ardaygu udub dheexaadka u yahay.
Dugsiga Kaabe ee shirkadda DP World Berbera ee magaaladda Berberana waxa uu raaci
doonaa isla habkaas, sidoo kalena ujeeddadu waa in la helo ruqsadda maraykanka. Aasaaska
iyo hirgalinta dugsigu waxa uu siin doonaa Shaqaalaha Shirkadda DP World Berbera in ay u
helaan tacliin tayadeedu sarayso caruurtooda halkii ay dugsiyo hoy ah u diri lahayeen ama
ay Hargeysa ku noolaan lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here