Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Oo Qaaday Talaabo Bani Aadaminimo Iyo Balanqaad Uu Sameeyey

0
17

Hargeysa(Saxilnews.com):-Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland Cabdikariin Xinif, ayaa codsaday in xafiiskiisa loogu keeno Hooyo Waayeel ah oo la sheegay in ay Nadiifiso ka ahayd mid ka mid ah meheradaha Hargeysa balse la soo bandhigay dulmi lagu hayo.

Image may contain: 1 person, eyeglasses

 

gudoomiye Xinif ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu dadweynaha kaga dalbaday in cidii gabadhaas garanaysa loo keeno isla markaana uu siin doono shaqo wakhti kooban ay ka hawl gasho.

gudoomiye Xinif ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

” Hooyada carruurta korsanaysa, ee halkan lagu soo bandhigay, ee la sheegayo in shaqadii nadiifisada labada gelin ee $70 ahayd laga eryey, dareen bay ku abuuraysaa qofkii damiirkiisu damqanayo, ee carruur iyo hooyo dan yar ah sawiran karaya. waxaan codsanayaa in ciddii garanaysaa iigu keento xafiiska Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka, anigoo ilaahay la kaashanaya waxaan siinayaa shaqo ka waqti yar oo laba saddex saacadood ah waqtigeeda inta kalena iyadaa iskeed uga faa’iidaysanaysa.

Ciddii kale ee wax ku caawin karaysana way u furan tahay allaah ha ka abaaliyo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here