Nuxurka Warqad Uu Madadaxweyne Biix U Soo Diray Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI

0
16

Guddoomiyeyaasha Waddani iyo UCID ayaa ku gacan-saydhay madaxweyne Biixi oo dalbaday in ay kulan la qaataan.

Madaxweyne Biixi qoraal rasmi ah u diray labada hoggaamiye ee mucaaradka kaas oo uu kaga dalbaday in ay maanta sagaalka Subaxnimo ka soo qayb galaan kulan uu kula yeesho Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa kulanka ku tilmaamay mid lagu xallinayo khilaafka ka dhashay Guddida Doorashooyinka iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka laakiin, waxa kulankaasi diiday Guddoomiyeyaasha Mucaaradka Cirro iyo Faysal.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo la filayo in wefti culus oo ka socda dalalka doorashooyinka taageera imanayaan magaalada Hargeysa. Dalalkan ayaa hore u soo saaray qoraal adag oo ay kaga hadlayaan khilaafka madaxweyne Biixi iyo mucaaradka.

Wali waxa indhaha lagu hayaa guddida dhexdhexaadinta oo ku hawlan isu soo dhawaynta dhinacyada inkasta oo loo arko in madaxweyne Biixi ka cago jiidayo in guddidaasi xalliso arrimaha la isku mari la yahay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here