Kenya Oo Ku Guuleysatay Kursi Muhiim U Ah Shuruucda Badaha Caalamka

0
27

Dowladda Kenya ayaa markale ku guuleystay kamid ahaanshaha golaha caalamiga ee hey’adda badaha adduunka.

Kenya oo horay uga mid ahayd golahan ayaa hataan waxaa ay markale fursad u heleysaa dejinta shuruucda caalamiga ah ee badaha oo ay ku dhaqmaan maraakiibta dunida.

Doorashada Kenya loogu doortay kamid ahaanshaha hey’adan oo maalama kahor ka dhacday Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka qeybqaatay 174 dal, waxaana Kenya ay ku guuleysatay in markale ay dib uga mid noqoto golahaas.

Kenya ayaa hataan katirsan qeybta C ee hey’adda IMO oo ay ku wada jiraan 20 dal oo ah kuwa danaha gaarka ah ka leh arrimaha badda, gaar ahaan hagida maraakiibta adeegsada badaha.

Hey’addan ayaa kala leh qeybo kala duwan, waxaana Kenya ay qeybta C ka wada tirsan yihiin dalalk badan oo Afrikaan ah oo ay kamid yihiin dalalka Morocco, Koonfur Africa, Liberia iyo Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here