Guddida Kala Dhiman Ee Doorashooyinka Somaliland Oo Laga Hor Istaagay Inay Gudoomiye Cusub Doortaan

0
18

Hargaysa (Saxilnews.com)-Guddida doorashada ee uu Muuse Biixi kaligii dhaarsaday isla markaana ay qaadaceen xisbiyada mucaaridka ahi isla markaana kala dhiman ayaa doonayey inay iska dhex doortaan gudoomiye cusub.

Guddida dhexdhexaadinta ee ku hawlan isku soo dhawaynta mucaaridka iyo muxaafidka ayey wararku sheegayaan inay xubnaha cusub ee guddida doorashada ka hor istaageen inay doortaan gudoomiye ku meelgaadh ah oo cusub.

Guddida dhexdhexaadinta ayaa ku dooday in khilaafka mucaaridka iyo muxaafidku uu sii kululaanayo haddii ay guddida cusub ee doorashadu yeeshaan gudoomiye cusub, iyaga oo sheegay inay ilaa hada wadaan dedaalo ay iskugu soo dhawaynayaan labada dhinac.

Dhinaca kale guddida cusub ee doorashooyinka oo ay ka dhiman tahay xubintii xisbiga Waddani ayaa qorshaynaya inay sabtida fadhi ka yeeshaan go’aanka lagaga hor istaagay inay gudoomiye cusub yeeshaan, kaas oo la dhawrayo natiijada ka soo baxda.

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here