Beledweyn(Saxilnews.com)waxaa magaalada Beledweyne ka soconaya baadigoobka loogu jiro meydadkii dadkii ku dhintay dadaadka ku soo rogmaday magaalada iyadoo meydad hor leh laga soo saarayo biyaha.
|
Dadka meydadkooda laga soo saarayo biyaha ayaan aheyn oo kaliya kuwii la socday Doontii gadoontay, balse waxaa ku jira dad siyaabo kala duwan uu daadku u qaaday kuwaa oo la sheegay intooda badan biyaha uga soo dhacay waddada ugu halista badan xaafadda Xaawo Taako gaar
ahaan Aaga Buundo-Koowaad oo uu maro Toogga ugu weyn ee biyaha ku dara Wabiga Shabeelle.
Qof ka tirsan shaqaalaha gurmadka ayaa Hiiraan Online u sheegay in dadka ku dhintay biyaha ku dhaw yihiin 20 yihiin ruux madaama ay jiraan dad siyaabo kala duwan daadku u qaaday oo xitaa ay ku jiraan carruur yaryar.
Maalintii shalay ayaa waxaa la aasay meydadka ilaa 5 ruux oo ka mid ahaa dadkii la socday Doontii Subaxnimadii Isniinta ku gadoontay biyaha Wabiga.