Raysal Wasaaraha Lubnaan Oo Iscasilaad Ku Dhawaaqay Iyo Cadaadiska Ku Kalifay

0
17

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnaan Sacad Al-xariiri ayaa aaday Qasriga Madaxtooyadda si uu warqadiisa iscasilaadda ugu gudbiyo Madaxweyne Michel Aoun.

Go’aankiisa oo imaanaya kadib 13 maalmood oo ay socdeen dibad-baxyo xiriir ah ayuu sheegay in uu ku qancinayo dadka dibadbaxaya.

 

Dadweynaha mudaharaadka dhigayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa diidan musuq wadanka hareeyay, adeegyadda dadweynaha oo liita iyo maareyn xumo dhaqaale oo wadanka la degtay muddo sanado ah.

“Waxaan aadayaa Madaxtooyadda si aan u gudbiyo iscasilaadda xukuumadda, tani waxay jawaab u tahay dalabka kumanaan reer Lubnan ah oo isbedal dalbanayay” ayuu yiri Sacad Xariiri.

Dad la rumeysanyihiin ay taageero u yihiin ururka Xisbullah ayaa maanta kala eryay dad xirtay wado ku taala Beirut kadib arkii ay la dagaaleen, teendhooyinkiina ka xeej-jeexeen.

Is casilaadda Xariiri ayaa waxay hadimo ku tahay ururka Shiicada ah ee Xisbullah, hogaamiyaha ururka ayaa horay u sheegay in uu iscasilaad kasoo horjeedo.

Si kasta, in Sacad Xariiri uu ka tago Xafiiska ayaa lagu sheegay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dibadbaxayaasha iyo gabal u dumay Madaxweynaha iyo Xisbullah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here