DUULIYEYAAL DIYAARADEED OO DHACDO YAAB LEH SAMEEYEY

0
17

Hargeysa(Saxilnews.com)Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda diyaaradaha ee Southwest Airlines ee dalka Mareykanka, ayaa dacwad u gudbisay maxkamad iyadoo laba duuliye ku eedeysay in ay toos u daawanayeen dadkii isticmaalayay suuliga diyaaradda oo kaamero qarsoon ay ugu xireen gudaha.

Renee Steinaker waxay sheegtay in duuliyeyaasha ay ku qabatay iyagoo muuqaalka daawanaya xilli ay ku guda jireen duullimaad isku xidhayay Pittsburgh iyo Phoenix, sannadkii 2017-kii.

Kabtankii diyaaradda, Terry Graham, ayaa weydiistay in ay la fariisato caawiyihiisa, intii uu musqusha ku maqnaa, sida ay sheegtay gabadha dacwadda gudbisay.

Duuliyayaasha iyo shirkadda Southwest Airlines waxay beeniyeen eedda ah in kaamero duubeysay rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda ay ku xirnayd suuliga. Shirkadda waxay tiri dhacdadaas waxay ahayd “isku dey aan habooneyn oo kaftan ah”.

Ms Steinaker waxay sheegtay in Mr Russell uu ku amray in aysan ka hadlin arrinta kaamerada, taas oo uu ku tilmaamay si adag oo arrimaha amniga la xidhiidha”.

Gabadha ka shaqeyneysay diyaaradda ayaa warbixinteeda dhacdada la xidhiidhay u gudbisay shirkadda, balse waxay tilmaamtay in kormeeraha uu u sheegay in qofna aysan kala hadlin wixii dhacay.

Duuliyayaasha shaqada lagama joojin, waxayna sii wadaan in ay duuliyaan diyaaradaha rayidka, sida ay gabadhaas xaqiijisay.

“Eedaha waa dhaqan laga caroodo,” Ronald Goldman, qareenka matalaya Ms Steinaker, ayaa BBC u sheegay sidaa.

War qoraal ah oo shirkadda ay u dirtay BBC ayey ku sheegtay in “kaamera aysan ku xidhin musqulaha diyaaradda”.Markii hore, Shirkaddan Mareykanka laga leeyahay waxay diiday in ay ka jawaabto kiiska dacwada. Balse warbixin markii dambe ay soo saartay waxay ku sheegtay in baaritaan lagu sameeyay eedaha ayna ogaatay in kaamera aan weligeed lagu xidhin suuliga”Southwest waxay si adag isaga difaaci doontaa dacwada maxkamadeed. Markii arrinta ay dhacday laba sano ka hor, waan baarnay, waxaana arrinta kala hadalnay shaqaalihii diyaaradda saarnaa ee ay quseysay,” ayey tidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here