Baadhitaankii Lagu Hayay Xiriirka Trump Iyo Ruushka Oo Waji Cusub Yeeshay

0
15

Waaxda caddaaladda ee dalka Mareykanka ayaa billowday baaritaan dhinaca dambiga ah oo lagu sameynayo baaritaankii uu waday wakiilkii hore ee khaaska ahaa Robert Mueller.

Bishii May ayaa la billaabay dib u eegis lagu sameynayay baaritaankaas ku saabsanaa suurtagalnimada in faragalin lagu sameeyay doorashadii Mareykanka ka dhacday sanadkii 2016-kii.

Hase ahaatee, in baaritaanka hadda loo baddalo mid dhinaca dambiga ah waxay ka dhigan tahay in loo baahnaan doono markhaatiyaal iyo macluumaad.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan baaritaankan ku tilmaamay “arrin la siyaasadeeyay oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo isaga”.

Baaritaanka lagu sameynayay Faragalintii la tuhmay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2016-kii laguma ogaanin wax dambiyo ah oo muujinaya in xiriir uu ka dhaxeeyay madaxweyne Trump iyo Moscow. Laakiin lama caddeynin in madaxweynuhu uu ku xad gudbay caddaaladda iyo in kale.

Warka ku saabsan in qaabka faldambiyeedyada loo baarayo arrintan ayaa markii ugu horreysay lagu soo daabacay wargeyska New York Times.

Wargeyska ayaa sheegay in wali aysan kala caddeyn dambiyada ay suurtagalka tahay in laga helo baaritaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here