Berbera (Saxilnews.com):-
Darawalka wasiirka waxbarashada Somaliland ayaa maanta si Badheedha ugu Toogtay Degaanka Tuulada Dhubato nin shacab ah oo waday mid kamida Baabuurta waweyn Ee marayey Jidka isku Xidha Berbera iyo Hargeysa, Xili Wasiirku safar ugu sii jeeday Dhinaca Gobolka Togdheer
dhaawaca Darawalka Shicibka ah ayaa lagu daweynayaa Cisbitaalka Dacarbudhuq sida uu ii xaqiijiyay mid kamida dadkii Goobjooga ahaa
Darawalkii Wasiirka Ee Sida Badheedhka ah bastoolada ugu dhaawacay Ninkan shicibka ayaa lagu Xidhay Saldhiga Degmada Laasgeel, waxaana labadoodaba goordhow loo soo qaadayaa dhinaca Magaalada Hargeysa
Weftigii Wasiirka oo xiliga ku sugan Magaalada Berbera ayaa gaadhigisii si ku meelgaadh ah, waxa loogu dhiibay Darawal kamida kuwa Wasaarada Waxbarashada Gobolka Saaxil
Xigasho Wariye Axmed Siciid