Shirkadii Beeyada ee Ugu Horaysay ee Dalka Soo Gelisay Qaad Lagu Qariyo Macdanta Iyo Mukhaadaraadka + Maxaa Sababay ?
Ceerigaabo(Saylactoday) Qormadeenii taxanaha Ahayd ee Aynu Uga hadlaynay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Daroogada qaadka iyo Shirkad Lagu Magcaabo Asli maydi oo ku Dhuumata Beeyada Dalka Ayaan Halkii kasii Wadi Doonaa Inaga oo Iftiimin Doona Sababta Mulkiilaha shirkadaasi oo lagu Magcaabo Barkhad uu Jaadka Gargaar u Keenay Dalka iyo Isku Dhufashada uu ka dhex Bilaabay Ganacsadayaal Reer Burco ah oo Xidhiidh Wada Shaqayneed Ka Dhexeeyey Kuwaasi oo Ah Biindhe Iyo Xariif.
Qaadka Gargaar Oo Uu Leyahay Ganacsade Barkhad Waxaa Ka Wakiila Qaybta Burco Axmed Maxamed Xaashi Xariif Oo Ahaan Jirey Wakiilkii Hore Ee Qaadka Gaafane Ee Magaalada Burco Iyo Gobolka Sanaag
Waxa Uu Xariif Albaabada Uu Laabay Qaadka Gaafane ABAAN XARIIF Markii Ay Kala Boodeen Barkhad Iyo Biindhe Oo Isku Cindanaa Ayaa Keentay In Uu Xidhiidh La Sameeyo Ganacsade Barkhad Oo Baadigoobayay Xubin U Buuxisa Qaadkii Uu Maal Gashaday Ee Ff Iyado Uu Fekerkaas Lagu Joojiyey Qaadka Gaafane Uu Lahaa Barkhad Taaso Uu Doonayo Inuu Ku Wiiqo Barkhad Qaadka Ff
Qaadka Sumadisu Tahay Gargaar Oo Ka Socda Meelo Badan Oo Dalka Ah Isla Markana Leh Wakiilo Kala Duwan Ama Kala Beela Ah Ayaa Brkhad Dalka Soo Geliyay Si Uu U Noqdo Mid Hana Qaada Waxaana La Rumaysan Yahay Waxay Shirkada Asli Maydii Ku Caan Baxday Ganacsi Suuq Madaw Ahoo Aan Sharci Ahayn
Hadii Ay Waxyalahas Xun Xun Faraha Kula Jirtana Ma Socon Karto Qaad La Aan Sababto Ah Muqadaradka Qaadku Waxaa Uu Yahay Wax Yaalaha Dadka Soomaalind Ama Soomaaliduba Ay Aadka Uu Jeceshahay Ama Ay Aad U Cunto Taasi Waxaay Sahlaysaa Inay Shirkadaasi Jaanis Fiican Oo Ay Ku Fulin Karto Ganacsiga Xaaraanta Ah Ee Ka Fog Aansha Iyo Dhaqanka Suuban Iyo Diinteena Wanagsan Intaba
Qormadeenii Hore Halkan Ka Akhriso
Arimahaas Dhamaantood Waxaa Kuu Cadaynaya Markaad Eegto Waxyaabaha Laga Soo Qaado Itoobiya Waxaa Lagu Soo Dhex Qariyaa Qaadka Ay Keento Shirkada Asli Taaso Lagu Soo Asteeyo Jawaano Leh Calaamado Sir Ah Oo Lagu Siiyo Raaciyada Iyo Shaqaalaha Qaadka Lacago Dheerada Laguna Socodsiiyo Kabadho Khaasa Oo Keligood Og Waxaa Ku Jira Halka Aanay Gawadhida Sida Iyo Darawaladu Toona Ogayn
Xaaladan Qatarta Ah Intaa Ka Bacdi Waxay Wakiiladasi Kasaaran Jawaanada Waxii Ku Jirey Waxaana Loo Daabulaa Gobolka Sanaag Si Hadhowna Loogu Qariyo Waxii Laga Keenay Dalka Itoobiya Beeyada Oo Ka Dhoofta Dhowr Meelood Oo Marsooyinka Ku Yaala Gobolka Sanaag Iyo Dekeda Berbera Oo Aan La Baadhin Maadama Ay Kaga Faaidaystan Inay Tahay Beeyadu Khayraadkii Dalka Oo La Horumariyey
Lasoco habeen Danbe Waraysi Aanu ka Qaadnay nin Qaadwale oo lagu Magcaabo Ina Aadan gaadhgaadh oo Wakiil Ka ahaa Qaadka Gargaar balse Laga Dhuftay Sababo aan la garanayn kaasoo Wax Badan Fashilin doona
WARARKII HORE HALKAN KA EEG
xigasho .Saylactoday.com