Trump Oo Baajiyay Safarkiisii Denmark + [ Sababta ]

0
18

USA (Saxilnews.com):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa Denmark, ka dib markii ra’iisulwasaaraha dalkaas ay tiri Greenland lagama iibinayo Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa qorshaynayay in uu booqdo Denmark 2 bisha Sabteembar ka dib markii uu marti qaad ka helay Boqorad Margrethe II.

Intaas ka dibna madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in Maraykanku uu xiisaynayo in uu gato Greenland oo ah dhul ismaamul ah oo Denmark ay leedahay.

Ra’iisulwasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa taladaas ku tilmaanmay mid “aan caqliga gali karin” waxayna intaas ku dartay in ay rajaynayso in madaxweyne Trump aysan ka go’nayn hadalka ka soo yeeray.

Isaga oo shaacinaya baajinta booqashadiisa ayuu Trump Twitterka ku soo qoray: “Denmark waa dal cajiib ah, dadkiisu wanaagsan yihiin, balse hadalka ka soo yeeray Mette Frederiksen ee ah in aysan wax xiiso ah u qaban in ay kala hadasho iibinta Greenland, ay ku dhalisay in uu baajiyo kulankii ay yeelan lahaayeen labo toddobaad ka dib, uuna dib ugu dhacay wakhti kale…”

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa xaqiijiyay in la baajiyay booqashadii madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa mar hore xaqiijiyay warar sheegaya in uu xiisaynayo iibsashada Greenland. Markii Axaddii la waydiiyay in uu ka baaraan dagayo in uu Maraykanka u iibiyo jasiiraddaas, wuxuu ku jawaabay “Haggaag, waxyaabo badan ayaa laga yaabaa in ay qabsoomaan.”

Tilmaantii madaxweynaha waxaa meesha ka saaray masuuliyiinta Greenland iyo Denmark.

“Greenland ma aha iib, balse Greenland waxay soo dhawaynaysaa ganacsi iyo iskaasho ay la samayso dalalka kale oo uu ka mid yahay Maraykanka,” ayuu yiri ra’iisulwasaaraha deegaankaas Kim Kielsen.

Lars Lokke Rasmussen oo horay ra’iisulwasaare uga soo noqday Denmark ayaa Twitterka ku soo qoray hadal macnihiisu u dhaw yahay waa kaftan loogu talagalay maalinta beenta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here