Wararka Ka Imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Ku Meel Gaadhka u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.
Warar Xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya isku horfadhiyaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya, laakiin waxaa wararku sheegayaan in ciidamada Itoobiya qorshahoodu yahay in ay la wareegan gacan ku heynta Amniga Garoonka Kismaayo.
Dhinaca kale warar arintan ku saabsn ayaa sheegaya in maanta laga celiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya.
Arrimahan oo dhan ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada Jubbaland, iyadoo dhawaan looga dhawaaqay Labo baarlamaanka oo iska soo horjeeda.
dhinaca kale taliyaha guud ee ciidamadda Amisom ayaa isna la filayaa in uu maanta arrintaasi xalinteeda u tago Magaaladda Kismaayo.