Sanaag(Saxilnews.com)-Kornel Siciid Cawil Jaamac (Caare) ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-hadallo uu kula jiro dawlada Somaliland,
isagoo ugu horyna tacsi udiray dad dhawaan lagu laayay deegaanka ceel-afwayn
Korneyl Caare ayaa sheegay in isaga iyo dawlada Somaliland ay u socdaan wada-hadallo guul laga gaadhay
Wuxuu shaaciyey in la isla gartay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:
1 In nabad la raadiyo
2 in xabad joojin la sameeyo
3 in wada-hadallo la furo.
Dhinaca kale Kornayl Caare ayaa eedo ujeediyay Suldaan Maxamed Xirsi Qani.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhawaan odayaasha dhaqanka ee gadhwadeenka ka ah wada-hadalladan ay shaaciyeen in Korneyl Caare uu aqbalay inuu la heshiiyo Somaliland.