Berbera (Saxilnews.com)-Cagafyadii Shirkada Nahil Ee Cashuur dhaafka ku yimi Dalka Oo Suuqa Ku Cidhiidhyey Cagafyadii Muwadiniinta laga kireysan lahaa iyagoo Shaqaale Ajanabiyi Ay Wadaan!!!
Berbera(Berberatoday.com)-Cagaftani Lambarka Cas Leh Waa Mid kamid Qalabka Ay Leedahay Shirkada Imaraatka ah Nahil Ee Qandaraaska Ku Haysata Dhismaha Wadda Isku Xidha Berbera Iyo Wajaale Ee (Berbera Coridor) oo qandaraaskii Xaadhista Iyo Banaynta Qandaraas hoosaad ku Siiyey Shirkado Muwadiniin ah
Qalabkan Ayaa waxa Soo Kireystay Shirkado kamida kuwa qandaraas hoosaadka ah ku qaatay Dhirgoynta Iyo banaynta Jidka Isku Xidha Berbera Iyo Hargeysa Gaar ahaan Shirkada qaadatay Aaga Tuulada Xamaas iyo Darigodle
Cagafyadan Oo Cashuur dhaaf ay Dawlada Somaliland ugu ogolaatay Shirkada Nahil Ayaa Suuqa ka qaaday Qalabkii iyo Cagafyadii Muwadiniinta Somaliland Ay ka kireysan lahayeen Shirkadaha qandaraas hosaadka ka qaatay Shirkada Ajanabiga ah
waxaana Xusid mudan oo maanta intii aan marayey jidkaasi ku soo arkay wadadaasi isku Xidha Berbera iyo Hargeysa oo ay ka shaqeynayeen Shirkado tiradooda la iigu sheegay 5 shirkadood ay 4 kamida shirkadahaasi Xaadhista qaatay inta u dhaxaysa Berbera iyo Abdaal ay u shaqeynayeen Cagafyo leh Numberka Somaliland islamarkaasina Ay wadaan Muwadiniin , balse Shirkadani ku Shaqaysanaysa aaga Xamaas ayaa laga kireeyey Cagafyadii Cashuur dhaafka Wadanka kusoo galay
Shirkadaasi Oo magaceeda la iigu sheegay Tayo siir Ayaa ku shaqeysanaysay Cagaftaasi iyo kuwo kale oo ay qadaan Ajanib , waxaana ilaalinayey Askari loogu talogaley inuu ku ilaaliyo Xeeradooda kaas oo ku Ilaalinayey Cagafyadan Ajaanibtu wado Ee Suuqa ka saaray , Cagafyadii muwadiniinta, halka Cagafyada Shirkadaha kale Ee qaatay Banaynta Dhirta iyo Boholaha wadada Hareeraheeda aanay wax askari la joogin,
Qandaraaska Xaadhista Wadada Isku Xidha Berbera iyo Hargeysa oo Wajigii labaad maraysa Ayaa Waxa qaatay ku dhawaad 10 shirkadood oo ay leeyihiin Shakhsiyaad Reer Somaliland kuwaasi oo xaadhayey Cabiro ku dhow midkiisa 15 Km
Waxaana qandaraaska Bixintiisa gacan ku lahayd Wasaarada Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo shirkadahi kala saaristooda iyo Soo xulistoodaba Door muhiima ku lahayd.
Ahmed Sa’ed Mohamed