Trump Oo Ku Adkeystay Hubka Uu Ka Iibinayo Sucuudiga

0
18

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horjoogsaday qaraar ay xildhibaanada aqalka Koongareeska ku doonayay in la joojiyo 8 bilyan doolar oo hub looga iibin rabay Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

Mr trump ayaa ku andacoonayaa in codka labada aqal ee ay ku diideen qaraarkan uu wiiqaya tartanka uu Mareykanka kula jiro dalalka kale sidoo kalana uu waxyeello u geeysan karo xiriirka kala dhexeeyo waddamada kale ee xulafada la ah.

Qaar ka mid ah xubnaha ka tirsan xisbiga Koongareeska ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in hubkaasi loo adeegsado dalka Yemen isla markaasna lagu dhibaateeyo dad rayid ah.

Aqalka senetaka ayaa maalmo gudohood mar kale u codeyn doonaan go’aaanka trump iyadoo ay suuragl tahy in ay iygana diidaan codka vitooga ee madaxwyene trump.

Aqalka Senetka ayaa maalmaha soo socda la filyaa inay u codeeyaan qaraarka hubka looga iibinayo Sucuudiga, waxaana lagu dhuursugaya inay diidaan go’aanka madaxweynaha uu ku difaacay heshishkaas ama in kale.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here