Hargeysa (Saxilnews.com):- Siyaasi Cali Cantar oo ka mid ah xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta la Hadley waxaa uu shaaciyey in aan wali xoolihii laga rogin markab Dhawaan ka shiraacdey dekada Berbera oo ku xayiran dekada Jiddah ee dalka Sucuudiga isla markaana xoolihii saarna ay dhimasho bilaabeen
Cali Cantar waxaa uu sidoo kale carabka ku dhuftey inay been cad noqotey hadal dhawaan xukuumada Somaliland ka soo baxay oo ay ku sheegtay in markabkaasi xoolihii laga rogay waxaana uu xukuumada ugu baaqey inay talaabo cad oo deg deg ah ay qaado
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan