“Marka Sharciga La Iska Laabo Xukuumadu Haynoo Dhaqdo Sida Caaqilada”…Proff Cabdi Cali Jaamac

0
24

Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa xukuumada somaliland ku eedeeyey inay laabtay ku dhaqankii sharciga.

Proff Cabdi Cali ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in talaabo kasta oo xukuumadu qaado ay ka hor imanayso sharciga balse ay marka dambe ku xalinayso ergo laga galo iyo xaal la siiyo xukuumada.

Proff Cabdi Cali ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadu ku maamulayso dalka nidaam la mid ah kan ay cuqaashu ku kala saaraan dadka, waxaanu yidhi :-

“Soo Xidh, Wallahi in Damiin ku sii daa la ii baryi, Waliba Ma Sii Daynayo illaa uu Xaal TV-ga ka Bixiyo”; ma sidaasaa Marka Sharcigu Sarreeyo!!!

Xildhibaan Dhakool ayaa la xidhay iyada oo aan xasaanaddii laga qaadin, lama sii deyn illaa ergo laga galay oo xaal la bixiyay; xaal bixintu ma aha shuqul dawlo; waa shuqul dhaqameed; ma dhaaday in la iskala baxay garoonkii sharciga,oo kubbad sharabaad ah lagu ciyaarayo cago caddaan meel aan garoonba ahayn!!!

Waxa la xidhay labadiiTV ee Horyaal iyo Eeryal, lama sii deyn illaa ergo laga galay, xaal gole joog ahna la bixiyay.

Waxa jira dad kale oo siyaasad ahaan loo xidhay oo la xukumay, kadibna ergo laga galay, oo la sii daayay; waxa jira iyana qaar immika ergadoodu socoto.

Marka sharciga la iska laabo, xukuumadda waxa u fudud in ay sidii caaqilada inoo dhaqdo; oo maxaa dhibaya haddii ugu danbaynta iyada la barayayo, waliba xaalna loogu darayo; tani waxay dhiirigalinaysaa in dad badan oo kalena lagu xadgubo, mar haddii ugu danbaynta jilbaha la qabsanayo oo iyada la baryayo!!!;

Ugu danbayntii, waxan ku talinayaa, ceeb la’aan, in lagu soo noqdo xeydaanka sharciga, si sharcigu u noqdo ka sarreeya!!!

Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here