Madaxweyne Saaxiibtinimada Wasiir Maxamed Kaahin Yaanay Kaala Waynaan Amaanka Qaranka…..Faallo
Hargeysa(saxilnews):-Dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa haatan u muuqda inuu ku fidiyo degmooyin kale iyo gobolo ka baxsan Sanaag.
Dagaalka oo markii hore ku koobnaa labada beelood ee wada dega degmada Ceel Afweyn ayaa haatan u muuqda mid jawi kale yeelanaya isla markaana ku faafaya deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag, halka xaraaradiisa laga dareemayo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer
Marka la eego dhacdooyinkii ugu dambeeyey oo ay ka mid yihiin dagaalka labada beelood, dagaalka tooska ah ee dhexmaray ciidamada qaranka iyo kuwa jabhada kornayl Caare, iska hor imaadka ciidamada amaanka iyo shacabka ceerigaabo iyo mudaharaadada Burco waxay muujinayaan in si weyn loo tabayo doorkii ay xukuumadu ku lahayd ilaalinta amaanka iyo kala dambaynta.
Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkiisa arimaha gudaha Maxamed Kaahin o masuuliyadaha saaran ay ugu weyn tahay ilaalinta amaanka guud ahaan dalka, waxa muuqata inaanay muhiimad gaar ah siin gacan ku haynta amaanka degmada Ceel Afweyn iyo ka hortaga wax kasta oo dhaawaci kara nabada, waxaana la dareemayaa in mudadii ay soo cusboonaadeen isku dhacyada beelaha Ceel Afweyn ay xukuumadu ka gaabisay doorkeedii ilaa haatana ay qaaday oo kaliya in ciidamada qaranka oo laga soo raray Ceerigaabo la soo dajiyey degmada Ceel Afweyn si ay beelaha u kala badbaadiyaan balse aanay hore u jirin qorshe u dajisan oo ka hortag ah.