Geedigii Laguma Furin Rug Rays Leh Iyo Doog. Socdaalkii Wasiirada Soomaliland Ee Sweden

0
20

Geedigii Laguma Furin Rug Rays Leh Iyo Doog. Socdaalkii Wasiirada Soomaliland Ee Sweden.

Ma Sahankaa Go’doomay. Ma Samkaa Gohaadshay. Mise Horjoogayaasha Galbaday, Waa Nuxur Maqaal Tusmadiisu Tahay Haku Ciyaarin Shucuurta Dalkaaga, Waa Suurto Gal Inaad Ku Guulaysatid (Ka Gaadhid Dantii Aad Ka Lahayd, Balse Hadimada Ka Dhalan Kartaa Aad Ku Waydo.Warkaagu Dimuqraadiyadii Aad Sanado Badan Soo Dhisaysay.

 

Hilaadii Markay Ahayd Wareegtadu 12 Kii June Waxa Dalka Swedan Soo Gaadhay Wafti Wasiiro Ah Oo Ka Socday Somaliland Oo Kala Ahaa Ama Gadhwadeen Ka Ahaayeen Wasiirka Deegaanka Iyo Wasiirka Macdanta Oo Hadafkooduna Ahaa Inay La Kulmaan Xubno U Cuntama Oo Dhiigooda Ah, Ileyn Gadhba Gadhbaa La Tusaaye.

Shacabka Somaliland Ee Dalkan Ku Nooli Han-Qalka La Sare Kaceen Iyagoo Naawilaayay Hab Maamuuska Uu Kulankaa Qiimaha Lihi U Qabsoomi Doono,Waayo Markaad Eegto Heerka Iyo Culayska U Lahaa Wafdiga Somaliland Ee Meesha Marayay Waxa La Rajaynayay Ee Inshaaradu Ahayd Xaddiga Cida Ay Kala Kulmayaan Swedan.

Laakiin Meel Ay Sartu Ka Qudhantayba Waxa Shax Guuray Habkii Iyo Hanaankii La Naawilaayay Inay Wax U Dhacaan “Dhado Roob Noqonweyday”Waxaan Ugu Jeedaa Labadii Wasiir Ee Soomaliland May Helin Marinkii Iyo Mustawihii Looga Baahnaa Oo Lama Ay Kulmin Dhigooda,Balse Safarkoodu Waxa U Cagta Saaray Dhabo Ku Aroorta Cidla Iyo Meel Xagal Daacinaysa Misaanka Socdaalkoodi Loo Hanweynaa Kana Dhigaysa Hal Bacaad Lagu Lisay,Waa Markii Ay La Kulmeen Xisbiyo Cunsuri Ah Oo Ka Dhisan Dalka Balse Aan Ku Wacneyn Xogta Iyo Xaajada Iyo Arrimaha Somaliland.

Labada Xisbi Oo Ku Jira Ama Ka Mid Ah 8da Xisbi Ee Dalka Ka Jira, Ayaa Waxay Yihiin Sida Xisbiga Sd Iyo Ka Ah Xisbiga Christian Democracy Oo Loo Soo Erayo Gaabsado Kd. Xisbiyaadaa Ay Xubnahooda La Kulmeen Waxay Dhabarka U Riteen Ama Ku Suntanyihiin Nacaybka Dadka Soogaleetiga Ah Oo Ay Ka Mid Yihiin Bulshada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Swedan Ku Darsoo Cunsurimimada Waxa U Dheer Inay Somalida U Aqoonsanyihiin Dad Aan La Xuquuq Ahayn Dadka Kale.

Isku Soo Wada Duuboo Waxa Maankayga Laf Dhuun Gashay Ku Noqday Oo Lawada Liqi Laayahay Sababta Wasiiro Dalkaaga Matala Aad U Hor Fadhiisiisay Dad Aan Qiimo Iyo Qaayo Ku Hayn Oo Nacaybka Darajadii Ugu Xumeyd Kugula Dhaqmaayaa. Midba Mid Ka Darane Shaqsiyaadka Lala Kulmiye Wafdiga Somaliland Waxa Ka Mid Ah .

1 Markus Wiechel Oo Ku Abtirsada Xisbiga Cunsuriga Ahna Xubin Ka Mida Ah Gudida Arrimaha Dibeda Ee Barlamanka Waxa Kale Oo U Yahay Xilsuge Barlamanka Midawga Yurub Ah 2 Alexander Christiansson Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga Cunsuriga, Xilsugena Ka Ah Barlamaanka Midawga Yurub

3 Mats Nordberg Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga Cunsuriga Xubina Ka Ah Guddida Arrimaha Deegaanka Iyo Beeraha Ee Barlamanka.

4 Julia Kronlid Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga Cunsuriga Ahna Xubin Ka Mid Ah Guddida Arrimaha Bulshada Waana Xilsuge Guddida Arrimaha Dibada Ah.

5 Magnus Oscarsson Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga Christian Decomratic Xubina Ka Ah Guddida Arrimaha Deegaanka Iyo Beeraha.

6 Las Adaktusson Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga Christian Decomratic Ahna Xubin Ka Tirsan Guddida Arrimaha Dibada. Haddaba Isweydiinta Iyo Toyashada Taagani Waxa Weeye, Xubnahaas Oo Dhan Ma Ku Jiraan Xubin Ka Soo Jeeda Ama Ka Socota Xisbiyada Talada Dalka Haya Ama Xukuumada Daadihinaysa Talada Dalkan Sweden.

Maxaa Faa’iido Iyo Hormar La Taaban Karo Oo Laga Dheefayaa La Kulanka Xisbiyada Ku Caan Baxay Cunsurimimada Balse Aan Hogaaminta Dalka Ku Lahayn Awood. Mee Dadkii Ku Haboona In Lala Kulmo Ee Ahaa Xisbiyada Furfuran Een Haya Hogaanka .Mise Waxaad Na Odhan Doontaan Waxaa Halkaa Ka Dhaw Ictiraafkii Oo Garashada Iyo Maanka Saliimka Ah Ayaad Ku Noqon Doontaan Halis.

Gogol Dhig.

Waxa Mudan In Intaas Oo Xubnood Oo Ay La Kulmeen Hal Qof Oo Kaliya Uu Kaga Jiro Arrimaha Dibada. Ku Darsoo Mana Ahaa Xisbiga Midida Daabkeeda Haya Ee U Arrimiya Dalka. Waa Sax Iyo Daw Furan In Albaab Walba La Garaaco Oo La Sameeyo Isku Day Walba Oo Lagu Heli Kari Aqoonsi Balse Su Aashu Waxay.

Albaabka La Garaacayo Waa Albaabke. Waa Albaabka Aad Ogtahay In Dad Ku Jiraan ,Hakuu Furmo Ama Yaanu Kuu Furnine. Xisbiyo Dalkeena Wax Ka Qoray Waynu Qiimaynaynaa Balse Quwada Iyo Qadarinta Waxa Iska Leh Waa Xisbiyada Mabda Ahaan Furfuran Ee Talada Iyo Xakamaha Hogaanka Dalka Haya.

Waad Baahantay Looma Bahalo Cuno. Waxaan Uga Jeeda Yaanan Haybadeena Iyo Karamadeena Ku Seegin Marin Habaabin Iyo Iska Warhayn La, Aan Sababta In Waqtigu Inagaa Dhaco Gago Madhan Giriyaad Cidlo Ah Iyo Meel Gawaana.

Talo Ma Dhamaatee Waxaan U Soo Jeedinyaa Hay’adaha Ay Khusayso In Sahan Iyo Qorshe Midaysan Oo Laga Soo Shaqeeyay Kuna Dhisan Diblamaasiyad Lagu Jaan Gooyo Arrimaha Dibada Oo Siyaasiyad Ahaan Laga Dhisnaado.

Gaba-gabadii.

In La Sii Sameeyo Daraasad Iyo Qaab Lagu Qiimaynayo Kulamada Caynkan Ah Intaan Dalkii Laga Soo Ambobixin, Iyo Martiqaadku Ahaado Mid Rasmiya Oo Ujeedooyinkii Looga Gol Lahaa Ku Salaysan. Marti Qaadkuna Ahaado Mid Ku Taxaluqa Kolba Halka Socota Iyo Halka Looga Baahan Yahay ,Waftiga Inaga Socdaa Ka Kulmo Waax Arrimaheena Qaabilsan Si Wasiirka Inaga Socdaa Ula.

Dhinac Miisaan Leh Oo Udhigma .Isma Qabanayso Waxaan Is Qaad Siinayaa Labo Aan Isqaadaneyn Waxaan Uga Jeeda In Wasiirkii Arrimaha Dibadu La Kulmo Xibin Arrimaha Bulshada Ah. Waa Halis Iyo Sharaf Dhac Iyo Karaamo Seeg. Isku Soo Wada Xooriyoo Bud’dhiga Qormadeenan Halkan Ku Xardhan.

Mid Waa Sax In Alaab Kasta La Garaaco Balse Su’aashu Waxay Tahay ?Albaabka La Garaacayaa Ma Yahay Mid Dad Wax Kuu Goyn Karaa Ku Jiraa. Su’aashaa Labaadna Waxay Tahay Meeday Jawaabta Sadexda Hal Qabsi Ee Kor Ku Xusay. Ma Geedigaan Sahan Loo Sii Dirin Hagaagsan.

Jawaabtu Waa Akhriso Qoraalka Maxaa Kaaga Soo Baxay

Qalinkii Ifraax Cal Kirix

Ifrah@live.se

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here