BBC-da ayaa difaacday nidaam ay baaritan ku waday kaddib markii mid ka mid ah martida barnaamika dooda hoggaanka ee BBC-da lagu eedeeyey inuu barta Twitter-kiisa uu ku soo qoray hadalo Yuhuud nacayb ah.
Imaam Abdullahi Patel waxa uu sheegay inuusan hadallo nacayb ah uusan u soo jeedinin “walaalihiisa” Yuhuuda ah balse uu ka hor yimid sharciyada iyo nidaamyada Israa’iil.
Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa sheegay, “Haddii aan ogaan lahayn ra’yigiisa ku saabsan arrinkan ma aanan dooran lahayn awalba.”
Mr Patel ayaa waxa sidoo kale laga joojiyey shaqadiisii ahayd madaxa Iskuul ay gabadhaha wax ka bartaan.
BBC ayaa sheegtay in fariintiisa uu ku qoray barta Twitter-ka ay timaaday ka dib markii uu tiray cinwaankiisii hore ka hor inta uusan dooda ka qayb galin maalintii Talaadada ahayd.
- Sida Soomaalida Mareykanka loogu musaafuriyo ‘dhul qalaad’
- Imam isaga oo Xajka jira Maraykanka lagaga been abuurtay!
- New Zealand oo maanta aadaanka salaadda Jimcaha dalka oo dhan si toos ah looga baahiyey
Dugsiga hoose ee Al-Ashraf ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in dugsiga laga ceyriyay Mr Patel.
Mr Patel ayaa BBC u sheegay in Iskuulka uu xaq u leeyahay inuu sameeyo baaritano.
“Ma raba inaan go’aankooda ka hadlo,” Ayuu intaa ku daray.
Mr Patel ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay bulshada Yuhuuda uusanna nacayb kala dhexeyn.
“Caambaraynta kama aysan imaanin bulshada Yuhuuda, balse haddii aad eegto fariimahayga dhanka Twitter-ka waxa aad ogaanaysaa inaan taageero u muujinayay,” Ayuu yiri.
Hase yeeshe, waxa uu sheegay inuu ku saxnaa cambaarayn kasta oo uu u soo jeediyey “siyaasadda Israa’iil.”
Su’aasha Islaam naceybka
Mr Patel waxa uu ka mid ahaa xubna ka tirsan shacabka oo lagu casuumay inay su’aalo weydiiyaan shan xubnood oo loo qabtay dooda dhanka hoggaanka ah.
Waxa uu xubnaha baarlamaanka weydiiyey su’aal ku saabsan Islaam nacaybka oo ay bulshada Muslimka la kulanto badanaa iyo inay ku raacsanyihiin cawaaqibka ay hadaladaas leeyihiin