Qaraxa bambaano ayaa ka dhacay dibedda saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Diyarbakir ee koonfur bari Turkiga, saacado ka dib markii ay dowladda xirtay madaxda xisbiga saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka dalkaasi.
Xisbiga HDP ayaa ah mid u janjeera Kurdiyiinta.
Wasiirka cadaallada ee Turkiga, Bekir Bozdag, ayaa sheegay in madaxda HDP Selahattin Demirtas iyo Figen Yüksekdag, la xiray ka dib markii ay diideen in su’aalo laga weydiiyo eedeyn ah in ay xiriir la leeyihiin ururka dalkaasi laga mamnuucay ee PKK.
Xildhibaannadaasi ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay.
Xasaannada baarlamaani ee ay lahaayeen ayaa laga xayuubiyay bishii May ee sanadkan.
Madaxa siyaasadda dibedda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay xariga xildhibaannadaasi iyo weliba 10 mudane oo horay loogu xiray Turkig