Itoobiya oo jartay Internetka si aan imtixaannada loo qishin

0
27
Dawladda ayaa xaqiijisay in khadka Internerku uusan shaqaynayninDawladda ayaa xaqiijisay in khadka Internerku uusan shaqaynaynin

Khatkii internetka ee Itoobiya oo dhan ayaa la jaray si looga hor tago in Onlineka lagu faafiyo imtixaanka heer qaran, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dawladda.

Maxamed Siciid oo ka tirsan Xafiiska Xiriirka Dawladda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay “in jaritaanka internetka loga golleeyahay in aysan soo laabanin arrintii sannadkii hore dhacday oo kale oo ahayn in internetka lagu faafiyay imtixaankii heer qaran”.

Sannadkii 2016kii ayay dawladdu mamnuucday baraha ay bulshadu ku xiriirto ka dib markii imtixaankii heer qaranka ee dugsiga sare lagaga gudbiyay la soo dhigay Online-ka.

Laakiin qaar ka mid ah dadka ayaa su’aal galiyay faahfaahinta ay dawladdu bixisay.

Imtixaannadan heer qaran ayaa la filayaa in ay dhammaadaan siddeeda June.

Inkastoo lagu warramay in Siciid uu sheegay in baraha bulshada oo kali ah la xannibay haddana ilo ku sugan Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in ay jirto internet la’aan baaxad leh oo saamaynaysa moobayllada iyo taleefannada kale ee internetka ku shaqeeya.

Xaalad degdeg ah ayaa ka jirta Itoobiya tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore, arrintaas oo dabo socotay mudaaharaadyo dawladda lagu diidanaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here