Arsenal Oo Wadahadalo Kula Jirta Kooxda PSG Oo Ay Ka Doonayso Thomas Meunier & Dhibaato Deg-deg Ah Soo Soo Wajahday Gunners

0
28

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda PSG kuwaas oo ay kaga doonayaan daafaca Midig ee Thomas Meunier si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin kooxda Arsenal ayay durba ka hor timid dhibaato ka hor istaagi karta helitaanka daafaca midig ee reer Belguim taas oo ah lacagta ay kooxda PSG ku iibinayso xiddiga.

Advertisement

Kooxda reer France ayaa Arsenal u sheegtay in ay miiska saarto lacag dhan 27 milyan oo euro iyo waliba lacag guno ah taas oo Gunners ka hor istaagi karta in ay hesho saxiixa xiddiga.

Kooxda Man United ayaa saxiixa xiddigan wakhti hore PSG wax ka waydiisay iyaga oo kala hadlay lacag dhan 22 milyan oo euro ah bilowgii bishan.

Si kasta ha ahaatee kooxda Ka ciyaarta Ligue 1 ayaa doonaysa in ay lacag intaas ka badan ku iibiso xiddiga 27 jirka ah taas oo dhibaato weyn ku ah Gunners marka loo eego in ayna lacag badan haysan si ay suuqa u galiyaan.

Wargayska RMC ayaa sheegaya in uu Emery si cad u cadaystay xiisaha uu u qabo xiddiga oo uu kala soo shaqeeyay kooxda PSG markii uu tababaraha u ahaa.

Si kasta ha ahaatee Emery ayaa haysta kaliya 45 milyan oo euro oo uu u baahan yahay in uu ku xoojiso kooxda taas oo la macno ah in dalabka PSG ay tartanka ka saarayso kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa suuqa ugu jirta xoojin dhanka daafaca ah si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartamaan u soo bixista tartanka champions League xilli ciyaareedka ka sii dambeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here