Barcelona & Valencia Oo Ku Jira Wadahadalo Isku Badalasho Ah & Xiddigaha Ay Isku Badalanayaan Oo La Ogaaday.

0
24

Kooxda Barcelona ayaan wali wax saxiix ah samayn xagaagan laakiin arintaas ayaa u muuqata mid is badalaysa iyada oo kooxda Barcelona wadahadalo kula jirto kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ee Valencia sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay Valencia la samayso heshiis isku badalasho ah oo ay labada kooxood isku badalanayaan labada goolhaye ee Jasper Cillessen & Neto xagaagan.

Kooxaha Barcelona iyo Valencia ayaa taariikh ku leh dhanka suuqa kala iibsiga iyaga oo labada kooxood heshiis amaah ah ku kala qaatay xiddiga Denis Suarez sanadihii la soo dhaafay.

Wargayska MARCA ayaa xaqiijiyay in wadahadalada isku badalashada labada Goolhaye ay haatan u socoto labada kooxood.

MARCA ayaa fahamsan in wadahadaladu bilowdeen bilo ka hor xilli ay Valencia ku hor martay dalab Rasmi ahna ka gudbisay goolhayaah reer Holland ee Jasper Cillessen.

Valencia ayaa heli doonta lacag dhan 30 Milyan oo euro ah taas oo ku biiri doonta miisaaniyadooda xilli ciyaareedka 2018/209 Si la mid ah Barcelona oo u baahan lacag dhan 60 ilaa 70 Milyan oo euro ka hor inta an la gaadhin dhamaadka bisha June.

Cillessen ayaa noqon doona Goolhayaha 1-aad ee kooxda Valencia xilli ciyaareedka dambe halka uu Neto noqon doono badalka Goolhayaha Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here