Iiraan ayaa shaaca ka qaadday iney 27-ka bisha June ay si rasmi ah u jabineyso xaddigi tayeynta Yuraaniyamka ee lagu xusay heshiiski nukliyeerka caalamiga ee la saxiixay 2015-kii.
Wakaaladda atoomikada Iiraan waxay iyaduna sheegtay iney tyaeynta Yuraaniyamka ay dhafiyeen xaddigi heshiiska lagu qeexay ayna diyar u yihiin iney tamarta Yuraniyamka uu dalkooda u adeegsado dhinaca Korontada iyo sameysashada hubka nukliyeerka.
Waxayna wakaaladdu intaasi ku dartay in weli waddamada reer galbeedka ay haystaan “fursad” ay Iiraan kaga difaaci karaan cunaqabateennada uu Mareykanka si isdaba joog ah u saaro.
Dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka waxay Iiraan uga digeen ineysan ku xadgudbin heshiiska nukliyeerka.
Waxayna waddamadaasi sheegeen iney fursad kale haysan oo aan ka ahayn iney cunaqabateennda ay horay uga qaadeen Iiraan dib u saaraan.
Iiraan waxay dhankeeda ka sheegtay iney waddamada reer galbeedka ee heshiiska nukliyeerka ee 2015-ka qaybta ka ahaa iney ku guul darreysteen ballaamihii ay qaadeen ee ahaa iney ka shaqeeynayaan sidii Iiraan looga qaadi lahaa cunaqabateennada Mareykanka uu saaray, kaas oo Madaxweyne Dnald Trump uu isaga baxay heshiiska kal hore.
- Iran : Netanyahu waa beenaale
- Iran ‘oo samaysanaysa maraakiib ku shaqaysa nukliyeer’
- Iran: Sucuudigaa qorsheeyey iscasilaadda Xariiri
Mr Trump wuxuu sheegay inuu doonayo in Iiraan ay u soo noqoto wadahadal si ay u joojiso barnaamijyadeeda gantaallada baalastikada ah iyo falalka ay ka waddo waddamada bariga dhexe.
Arrinta Iiraan ka soo yeertay ayaa ku soo beegmeysa xilli ay xaaladda gobolkaasi cirka isku shareertay, Mareykankana uu ciidamo iyo hub fara badan u diray gobolka, iyada oo ay Iiraanna diidday iney wax lug ah ku leedahay weerarradi Khamiistii loo geystay, laba Markab oo saliid siday.
Iiraan maxaa ku kallifay iney kor u qaaddo tayeynta Yuraaniyamka?
Horraantii bishii May, wuxuu mdaxweyne Trump cadaadis saaray Iiraan si ay uga badbaaddo cunaqabateyn kale oo uga timaada dhanka Mareykanka kuwaas oo ku qotomay inaan Iiraan saliidda laga iibsan karin.
Cunaqabateyntaasi ayuu Mareykanka uga gollahaa inuu ku wiiqo awoodda dhaqaale iyo dakhliga Iiraan ka soo geli lahaa saliidda laga iibsado.
Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani wuxuu isla markiiba shaaca ka qaaday inuu dalkiisa ka baxayo ballaamihi uu ku galay heshiiski nukliyeerka.
Ruuxaani wuxuu sida oo kale quwadaha reer galbeedka uu u qabtay iney 60 maalmood gudahood ku diidaan cunaqabayentii saliidda Iiraan lagu soo rogay.
- Diyaaradaha Ruushka oo ka duulaya saldhig Iran
- Madaxweynaha Iran oo ka jawaabay hadalkii Trump
- Trump: Ha loo midoobo in aan Iran nukliyeer helin
Haddii ay ku guul darreystaanna waxay ka baxeysaa ballantii ay u qadday iney joojiso tayeynta Yuraaniyamka dibna ay u billaabeyso iyada oo weli dhafineyso xaddigii lagu qeexay heshiiskii 2015-kii.
Afhayeenka wakaaladda quwadda atoomikada ee Iiraan wuxuu Isniintii, warbaahinta dalkaasi uu ka shaaciyey inuu dalkiisa billaabay “tayeynta yuraaniyam cabbirkiisu gaarayo 300kg”.
“10 maalmood gudahood waxaan ku dhaafeynaa xaddigii tayeynta Yuraaniyamka ee heshiiska lagu qeexay,” ayuu yiri Behrouz Kamalvandi.
Iraan iyo Mareykanka ayaa bilihii ugu dambeeyay qarka u saarnaa iska hor imaad, sannad kadib markii Mareykanka uu ka baxay heshiis caalami ahaa ee u dhaxeeyay Iraan iyo waddamada awoodda leh ee caalamka kaas oo lagu xaddidayay mashruuca nukliyeerka Tehran, waxaana markaasi Iran laga qaaday cunaqabteennadii saarnaa.
Washington ayaa sannadkii hore dib ugu soo rogtay cunaqabteennada, wuxuuna Mareykanka dhammaan waddamada kale ugu baaqay in ay joojiyaan shidaalka dalka Iraan looga soo dhoofiyo.
Toddobaadyadii ugu dambeeyayna Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay suuragal tahay iska hor imaadka milatari ee labada dal kaasi oo sheegay in ciidamo dheerad ah uu u dirayo Bariga Dhexe.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiskii niyuukleerka ee sannadkii 2015-kii uu yahay mid aan aad loo adkeynin, wuxuuna Iraan ku khasbayaa in ay heshiis cusub galaan.
Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ay suuragal tahay in ay bilawdaan wadahadallo cusub oo u dhaxeeya Mareykanka Iyo Iraan.
- Iran : Netanyahu waa beenaale
- Iran: Diyaar baan u nahay in aanu wajahno cadawgeena
- Iran oo ku hanjabtay in ay ka baxayso heshiiska nukliyeerka
Trump ayaa Isnintii sheegay in Iraan ay heysato fursaddii ay marlabaad ku noqon lahayd waddan quwad leh iyadoo ay weli hoggaanka u hayaan isla madaxda haatan joogta.
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaasi, Aayatullah Cali Khameni ayaa Arbacadii sheegay in Iraan aysan wadahal la gali doonin Washington inkastoo Ruuxaani mar sii horeysay ka dhawaajiyay in wadahadal uu suuragal yahay, waa haddii cunaqabateennada laga qaado.
Muxuu salka ku hayaa khilaafkan soo cusboonaaday?
Xiisadahan ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labadan dal ayaa imanaya kaddib markii ay Iiraan joojisay waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka sidoo kalana ay ku gooddisay inay dib u bilaabi doonto barnaamijkii ay ku kobcinaysay yuraaniyam-keeda.
Heshiiskii 2015, waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sannadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu dalkaasi ku rogay.
Mareykanka waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan.
Baarayaasha Mareykanka ayaa bilowgii bishan Iiraan ku eedeeyay inay walxaha qarxa u adeegsanayaan waxyeelleynta maraakiibta shidaalka qaadda ee ka baxaya Isu-tagga Imaaraatka Carabta. Maamulka Tehraan ayaa iska fogayay eedahaasi.