Kulankan uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafintu la yeeshay Weftiga ka socday wasaaradda Arrimaha Dibadda
Hargaysa(saxilnews.com):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday wasaaradda Arrimaha Dibada dalka Ingiriiska.
Kulankan uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafintula yeeshay Weftiga ka socday wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Igiriiska iyo saraakiil ka socday safaaradaha Ingiriiska u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxa ku wehelinayey Agaasime waaxeedyada Qorshaynta iyo Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa kulankaas kadib sheegay inay ka wada hadleen dardar galinta iyo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, waxaanu tilmaamay inay si gaar ah ugala hadleen wada shaqeynta ka dhexaysa Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta JSL iyo xafiiska Arrimaha Dibadda Ingiriiska.