Beesha Caalamku Ma Faro Gelin Doonta Xisbiyada Somaliland ?

0
23

14-kii bilood ee u dambeeyay waxa uu khilaaf cakiran oo arrimaha doorashooyinka ku saabsan u dhexeeyay xisbiyada Somaliland. Wada hadallo badan oo ay yeesheen ma jiro haba yaraatee wax horumar ah oo laga gaadhay waxaanu hadda xaalkoodu maraya in ay beesha caalamka ee Somaliland taageerta iska ashkateeyaan. Arrinta furaha u ah doorashooyinka ee la isku hayo oo ah Komishanka ayay dhinacyadu illaa hadda isku mari la yihiin waxaana muuqda ifafaale ah in aanay gaadhi Karin wax xal ah maaddaama aanay wax tanaasul ahi muuqan.

Farogelintii beesha caalamka ee 2009

Sodonkii Bishii Sept. 30, 2009 ayey ahayd markii ugu horaysay ee ay Dowladi shisheeye ay Xaliyaan khilaaf siyaasaddii la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka Somaliland , kaasi oo soo kale dhex-galay Saddex-dii Xisbi Qaran ee UDUB , UCID Iyo KULMIYE,  Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyeyaashii Xisbiyadda mucaaridka ah ee Cahdigaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ka kooban lix qodob oo ay dowladaha Somaliland ka taageera qaddiyadda doorashooyinku ay soo hordhigeen dhinacyada siyaasadda isku hayey wakhtigaasi, kaas oo lagu soo afjaray khilaaf siyaasadeedkii  ka aloosnaa dalka sanadkii 2009-kii  ee ka dhashay dib u dhicii doorashada Madaxtooyada. Waxa lagu heshiisiiyay wax ka qabashada dhawr qodob oo markaasi hor yaalla doorashooyinka.

Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayey Md Axmed Siilaanyo, isla markaana wakhtigaasi ahaa Xisbiga Mucaaradka ugu weyn dalka,  ayaa isagu beesha caalamka ka dalbaday inay soo kala dhex-gasho , isla markaana ay dhex-dhexaadiso Xisbiyada Somaliland, iyadoo beesha caalamku ay sidaasi ku soo gashay u gar naqidda xisbiyada kuna guulaysatay soo afjaridda khilaafkii xisbiyada kala irdheeyay.

Khudbaddii Riyaale  

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa khudbad uu ka jeediyey Madaxtooyada Somaliland oo uu heshiiskani ka dhacay September 30/2009, ayaa u dhignay sidan “Waa markii u horreysay ee taariikhda ay inoogu qormayso in cid kale ina heshiisiiso. Anigoo jeclaa inaynu inaguba heshiino, waxase aan jecelahay inaan heshiiskaa wixii ka dambeeya aynu inagu waxeena wadano oo aynaan cid dambe u baahan horta waan ku talinayaa, Waxaan jecelahay walaaltinimadeenii inaynu dib u noolayno, oo aynu ka maarano cid dambe haddii ilaahay yidhaahdo oo halkaasi aynu ka bilownay aynu hore uga sii socono si aynu doorasho u gaadhno wakhtiga ugu dhakhso badan,Waxa kale oo aan u mahad naqayaa cid kasta oo isku dayday inay isku keen soo dhawayso.”Ayuu yidhi Riyaale

Dhanka Kalena Madaxweyne Riyaale ayaa wuxuu ballan qaaday inuu xabsiyada ka soo dayn-doono xubno ka xidhnaa Xisbigii Mucaaradka ahaa ee  KULMIYE “Qolyahaasi xidh xidhan ee mudaharaadyada sameeyay amar baan ka bixiyay ah in wixii aan dembi gaysan la sii daayo oo la kala shaandheeyo, mana xidhnaan doonaan, cidii dambi sameeyayna dambigooda lagu qaado, kii aan dambi lahayna albaabka laga qaado ayaan hore u amray imikana amarkii ayaan daba galayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabayay dalab uu Guddoomiyaha KULMIYE u jeediyay oo la xidhiidhay in xorriyadoodii loo soo celiyo dadkii lagu xidh xidhay Mudaharaadyadii dalka ka dhacay

Guddoomiyaha: KULMIYE

Gudoomiyihii Xisbiga KULMIYE oo ahaa xilligaa Xisbiga Mucaaradka ugu weyn dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna ka hadlay heshiiskaa September 30 2009-kii Madaxtooyadda ka dhacay ee ay Xisbiyadda Qaranku wada gadheen ayaa yidhi sidan  “Heshiiska aynu maanta saxeexnay ee aynu galnay, oo aynu doonayno inay dhamaanteen si wada jir ah oo daacadnimo ah u wada fulino una socodsiino, Anaga waa naga daacad waxaanu jecel nahay in uu fulo,waxaanu doonaynaa inaanu caddeyno inaanaan doonaynin in dalkani dhibaato dambe ku dhacdo waana in sida ugu fudud ee sida ay dadka  inala shaqaynayaa ay u soo dhigeen aynu hawshaasi u fulino. Oo ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi.”Ayuu yidhi Siilaanyo

Isagoo Madaxweyne Riyaale ka dalbanaya in la soo daayo dad xidh-xidhan oo Xisbiga KULMIYE ka tirsan ayaa yidhi “Waxa jira dad wax allaale iyo waxay geysteen jirin, oo xidhan, markii ay ina dhex socdeen heshiiskana waxa jiray balan qaadyo badan oo ah in dadkaasi la sii daynayo. Waa in xoriyadooda loo soo celiyo waayo ummadda ayay ka mid yihiin waa inay inala qaataan xoriyada iyo is fahamka. Waxaan jecelahay Madaxweyne Inaad dadkaasi xoriyadooda dib ugu soo celiso, wixii aan dambi gaysan.”

 Guddoomiyaha UCID:

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo xafladii lagu kale saxeexanayay heshiiskaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa horta dadkii ka soo shaqeeyay heshiiskan aan kala saxeexanayno oo gudaha iyo dibadaba aad looga soo shaqeeyay, waxa maanta xisbiyada looga baahan yahay inaynu khilaafkii ku bedelaa wada shaqayn, oo aynu shakigii dhexdeena ku bedelnaa is aaminaad, Xil weyn ayaa ina saaran waxaan ilaahay ka baryayaa inuu inoo fududeeyo. Waxaana xilkaasi aynu ku gaadhaynaa niyad sami iyo daacadnimo. Waxaan jecel nahay in aan sida ugu dhakhsaha badan u gaadho doorasho wanaagsan.”Ayuu yidhi Faysal

Sidoo kale, Safiir ku Xigeenkii Ingiriiska u Fadhiyey wakhtigaasi Magaalada Addis Ababa Mr. John Marshal iyo Sarkaal sare oo ka socday  Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya ayaa hadal ay ka jeediyeen xafladaasi waxay xukuumaddii Riyaale iyo axsaabta mucaaridka ah ku bogaadiyeen sida ay u soo afjareen khilaafaadkii siyaasadeed isla markaana ay ku qanceen heshiiskii beesha caalamka ee taageera qadiyada Somaliland ay soo hordhigeen dhinacyada siyaasadda.

Qodobada heshiiskan la kala saxeexday waxa ka mid ah in Komishanka doorashooyinka qaranka wax laga bedelo si loo soo dhiso kalsoonidii lagu qabay, in diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee la laalay dib loogu noqdo oo la kala shaan dheeyo si looga soo saaro liis xalaal ah oo lagu galo doorashooyinka iyo qodobo kale.

Ugu dambeyn Muranka hadda ka dhex aloosan saddex-da Xisbi Qaran ee Somaliland WADDANI , KULMIYE Iyo UCID, isla markaana in badan soo jiitamay ee la xidhiidha, isla qaddiyadda Doorashada,  iyadoo dhinac-yaddu ay wax tanaasul ah samayn,haseyeeshii uu xaalkoodu yahay mindi mindi ku taag, ayaa falaqeeyaashaa siyaasaddu ay sheegeen in aanay ka fursanayn in sidii khilaafkaa 10 sano ka hor ka dhex –qarxay Xisbiyadda Qaranka Somaliland ay beesha caalamak u xalisay inay kana  sidaas si lamid ah u soo farageliso, haddii ay dhinac-yaddu wax heshiis ah gaadhi wayaan bilaha soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here