Hargeysa (Saxilnews.com):- Xukuumada somaliland ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha soomaaliy aMaxamed Cabdilaahi Farmaajo uu jabhado hubaysan u samaystay somaliland.
Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jabhadaas ay ku jiraan rag la garanayo waxaanu yidhi “Soomaaliya jabhado hubaysan oo rag la garanayaa ay ku jiraan ayaa Farmaajo u samaystay somaliland, cid dawlada Farmaajo mucaarid ku ah haday somaliland la kulanto dambi maaha.”
Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbiga Ucid ka shaqaynayo sidii loo ridi lahaa dawlada Farmaajo ee soomaaliya ka talisa “Farmaajo jabhado ayuu noo samaystay anaguna si ilbaxnimo leh ayaanu mucaaridkooda ula sheekaysanaynaa anagu mucaarid ayaanu nahay, waanan u yeedhaynaa mucaaridkooda oo waxbaanu baraynaa, waxaanan ka shaqaynaynaa sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo iyo wixii nagu xunba hadaanu nahay xisbiga Ucid.”