Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Safiirka Sucuudiga Ee Soomaaliya+Sawiro

0
20

Hargeysa(Saxilnews.com):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Sucuudiga u fadhiya Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoor

 

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay sidii dawladda sucuuudigu gacan uga geysan lahayd gurmadka abaaraha soo foodsaray qaar ka mid ah gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo safiirku balan qaaday inay ka dawlad ahaan ay qayb muhiima ka qaadan doonaan.

Image may contain: 2 people, people smiling, indoor

 

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay ganacsiga iyo dhoofka xoolaha sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen labada dal, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday sidii xayiraada xoolaha saaran looga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa.

Image may contain: 1 person, smiling, standing

 

Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo-guray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinaca amniga, xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo arrimaha xajka iyo diinta.

Ugu danbayn safiirku waxa uu dalka ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo kulamo la qaadan doona qaar ka mida wasaaraddaha, horumarinta Maaliyada, xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, iyo ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska.

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting and shoes

 

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here